HomeWararTahriibayaal u badan Soomaali oo si nabad ah ku gaaray Jesiiradda Sishiliya...

Tahriibayaal u badan Soomaali oo si nabad ah ku gaaray Jesiiradda Sishiliya ee Talyaniga

Date:

Related stories

President Hassan Sheikh Travels to Djibouti for President Guelleh’s Inauguration

Somali President Hassan Sheikh Mohamud arrived in Djibouti on...

Somalia Faces 40% Drop in Imports and Rising Inflation, Cabinet Responds

Somalia’s federal cabinet today approved new security regulations and...

Soomaaliya iyo Burkina Faso oo iska kaashanaya amniga

Fartaag oo Burkina Faso kula wadatay argagixisada Ouagadougou, – Wasiirka Amniga...

Somalia’s Office of Attorney General Presses Charges on Saadiya Bajaj

The Office of the Attorney General of Somalia announced...

Deni oo tababar hubka culus u furay dagaalka Argagixisada

Puntland: Madaxweyne Deni oo tababar hubka culus iyo hoggaaminta u furay duufacdii 6-aad ee PMPF. “Waxaan kalsooni qabaa in ay difaaci doonaan dadka.” Akhri maqaalka

Markabka dagaalka ee Foscari oo ay Ciiddanka Badda Talyaaniga leeyihiin ayaa xalay ku xirtay Dekedda Augusta ee Jesiiradda Sishiliya, wuxuuna waday ku-dhawaad 335 Tahriibayaal u badan Somali iyo Nigeria.

Tahriibayaasha ayaa la sheegay in laga soo badbaadiyey meel 64 KM u jirta Badda Libya, iyagoo khatar ugu jira inay doonidooda degto.

Tahriibayaasha oo ay ka mid ahaayeen 38 haween iyo ilmo yar ayaa waxaa u gurmaday Markab ay Ciiddanka Badda Talyaaniga leeyihiin oo gaafwareegayey Badda Mediteraneanka.

Afhayeennadda Hay’adda Save the Children, Jeeman Parkin ayaa sheegtay inay ku jireen haween xaamilo ah iyo dad u kala dhashay dalalka Somalia iyo Nigeria.

Afhayeenadda waxay sheegtay inay Tahriibayaasha u sheegeen inay soo mareen xallad xun, isla markaana aysan wax cunin muddo shan maalmood.

Tahriibayaasha waxay sheegeen inay ilaalo hubeysan haysteen muddadii ay sugayeen doonida, iyadoo 3 carruur ah ku geeriyoodeen muddadii ay ku jireen gacanta kooxaha wax tahriibiya.

Dhinaca kale, in ka badan 1,800 oo qof ayaa la rumeysan yahay inay sannadkan ku geeriyoodeen Badda Mediterraeanka, iyadoo in ka badan 900 qof ay isbuucii hore ku hafteen Badda.

 

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories