HomeWararWasiirka Hawlaha Guud “Waxaan dib u hawlgelin doonnaa hay’addii Sahminta, Cabbirka iyo...

Wasiirka Hawlaha Guud “Waxaan dib u hawlgelin doonnaa hay’addii Sahminta, Cabbirka iyo Diiwaangelinta Dhulka”

Date:

Related stories

Somalia Trains First Government Cybersecurity Cohort

The National Communications Authority (NCA) has completed its first...

Golaha Shacabka oo dhaariyey Wasiirka Warfaafinta cusub

Soomaaliya: Golaha Shacabka oo dhaariyey Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdifitaax Qaasim.

HIQ oo xiray tababarkii shahaadooyinka amniga saaybarka

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo soo gebagebeysay tababarkii shahaadooyinka amniga saaybarka.

Soomaaliya oo taariikhdii ugu horeysay ka qayb gashay shirka ITF

Soomaaliya oo taariikhda ku qortay markii ugu horreysay ka qaybgalka Shirka ITF ee Jarmalka. Agaasimaha Guud Cumar Afrax: “Madasha ayaa na ku casuuntay xubin buuxda.”

Caleemo-saarka Jabuuti: Xasan Sheekh oo xoojiyay xiriirka gobolka

Xasan Sheekh oo ka qayb galay caleemo-saarka Jabuuti Jabuuti, 10...

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Inj. Saalax Sheekh Cismaan iyo wafdi uu hogaaminayo oo safar shaqo oo 4 cisho ku joogay dalka Turkiga ayaa saaka dalka dib ugu laabtay.

Shir jaraa’iid oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho oo uu uga warbixinayay shirkii caalamiga ahaa ee Sahminta, Cabbirka iyo Diiwaangelinta Dhulka ee Caalamka oo ka dhacay magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga intii u dhaxeysay 20kii ilaa 24kii bishan Abriil.

Inj. Saalax ayaa waxa uu sheegay in uu saxiixay baaq caalami ah oo markii ugu horreysay Soomaaliya ay qeyb uga noqoneyso nidaamka caalamiga ah ee sahminta, cabbirka iyo diiwaangelinta dhulka. Waxa uu intaa ku daray in Soomaaliya ay gudbisay xaaladda dhulka Soomaaliya sida uu hadda yahay burburkii kadib isaga oo xusay in uu dalku lahaan jirtay shuruuc iyo xeerar ku saabsan cabbirka iyo mikiyadda iyo diiwaangelinta dhulka.
Hase yeeshe burburkii ayaa sababay in xarumihii lagu kaydin jiray warqadaha dhulalka ay burburaan, taasina ay sababtay isqabqabsi ballaaran oo dhulka ku aadan.

Wasiirka ayaa caddeeyay in Xukuumadda uu wakiilka uga yahay dhulalka iyo hawlaha guud ay dhawaan dib usoo celin doonto hay’addii sahminta, cabbirka iyo diiwaangelinta iyada oo la raacayo xeerarkii ay Soomaaliya lahaan jirtay ee amuurahaasi ku saabsanaa iyada oo isla markaasna la waafajinayo xaaladda haatan ka jirta Soomalaiya.

In ka badan 60 dowladood ayaa shirka kasoo qeybgalay. Waxaa kale oo shirka yimid ergo iyo khubaro 1500 kor u dhaafaya iyo 13 wasiir oo ay Soomaaliya iyo Jabuuti kamid yihiin.

Dhanka kale, Wasiirka Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Bay’ada Turkiya iyo Wasiirka Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Dib-u-dhiska Soomaaliya ayaa si gooni ah isugu afgartay in ay iska kaalmeystaan sidii Soomaaliya looga hirgelin lahaa nidaamka sahminta, cabbirka iyo diiwaangelinta dhulka iyada oo la adeegsanayo tiknoolajiyadda ugu dambeysa ee caalamka, waxaana arrintaa iska kaashan doona khubaro Soomaali iyo Turki ah.

DHAMAAD
Wasaaradda Howlaha Guud & Dib u Dhiska Dalka

WHG2

WHG1

WHG

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories