HomeWararWakiilo ka socota Soomaalida ku nool dalka Koonfurta Afrika oo la kulmay...

Wakiilo ka socota Soomaalida ku nool dalka Koonfurta Afrika oo la kulmay Madaxweynaha dalkaasi, Jakob Zuuma

Date:

Related stories

President Hassan Sheikh Travels to Djibouti for President Guelleh’s Inauguration

Somali President Hassan Sheikh Mohamud arrived in Djibouti on...

Somalia Faces 40% Drop in Imports and Rising Inflation, Cabinet Responds

Somalia’s federal cabinet today approved new security regulations and...

Soomaaliya iyo Burkina Faso oo iska kaashanaya amniga

Fartaag oo Burkina Faso kula wadatay argagixisada Ouagadougou, – Wasiirka Amniga...

Somalia’s Office of Attorney General Presses Charges on Saadiya Bajaj

The Office of the Attorney General of Somalia announced...

Deni oo tababar hubka culus u furay dagaalka Argagixisada

Puntland: Madaxweyne Deni oo tababar hubka culus iyo hoggaaminta u furay duufacdii 6-aad ee PMPF. “Waxaan kalsooni qabaa in ay difaaci doonaan dadka.” Akhri maqaalka

Madaxweyne Jakob Zuuma waxa uu muddo shan saacadood ah kulan la yeeshay Ergooyin ka socda Jaalliyadaha Soomaalida iyo kuwa kale ee ka xoogsada dalkaasi, kuwaasi oo dhibaatooyin kala kulmay Shisheeye-nacaybka ka taagan dalkaasi.

 

Kulankaasi oo ka ka dhacay Guriga Martida ee magaalladda Pretoria, ayaa waxa uu Madaxweyne Zuuma kula kulmay 50 Ergo oo ka kala socotay Jaalliyaddaha Afrikaanka ee ay saamaynta ku yeesheen boobkii iyo dhicii loo geystay goobaha ganacsiga ee shisheeyaha.

 

Madaxa Jaalliyadda Soomaalida ee Koonfurta Afrika, Amiir Sheikh ayaa ka hadlay saamaynta uu dadka Soomaalida ku yeeshay Falalkii shisheeye-nacaybka ee dhawaan hareeyey goobaha ganacsiga ee Soomaalida.

 

Waxa uu tilmaamay inuu dalka Koonfurta Afrika ahaa Rajadda Qaaradda Afrika, balse lagala kulmo isir-faquuq.

 

Waxa uu ka hadlay sida dadka Soomaaliyeed horey loogu soo dhaweeyey dalka Koonfurta Afrika, oo uu xusay in loo muujiyey Walaaltinimo.

 

“Waxay na siiyeen nolol aan horey u haysanin. Aniga waxaan halkan imid anigoo aan waxba haysanin, balse haatan waxaan ka mid ah dadka nolosha dhexe ku nool” ayuu yiri Madaxa Jaalliyadda Soomaalida ee Koonfurta Afrika, Amiir Sheikh oo dhinaca kale ka cawday sida loo adkeeyey xuduudka dalkaasi.

 

Mas’uulkaasi ku hadlayey magaca Jaalliyadda Soomaalida ka xoogsata dalka Koonfurta Afrika waxa uu  Madaxweynaha dalka Koonfurta Afrika ka codsaday inuu u hawlgalo sidii dadka Soomaalida wax loogu qaban lahaa iyo in la muujiyo sinnaan iyo in la dhowro.

 

Falalka Isir-nacaybka iyo boobka loo geystay Ganacsatadda shisheeyaha ee ku nool dalkaasi waxaa lagu dilay 7-Ganacsato, iyadoo la boobay lana gubay goobo ganacsi oo badankooda ku yaallay Gobalka Kawazulu Natal.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories