HomeWararMuwaadiniin Somali-Maraykan oo lala xiriirinayo Daacish oo la xiray

Muwaadiniin Somali-Maraykan oo lala xiriirinayo Daacish oo la xiray

Date:

Related stories

National Communications Authority Participates in ITU Global Symposium for Regulators (GSR-26) in Ankara

The annual global forum brings together heads of regulatory authorities, policymakers, industry leaders, and digital stakeholders from around the world to exchange knowledge and discuss emerging regulatory trends shaping the future of digital transformation. This year's symposium is held under the theme "Navigating the Digital Frontier," focusing on regulatory pathways towards a resilient and inclusive digital future.

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Dacwad-oogayaasha Maraykanka ayaa sheegay inay gacanta ku soo dhigeen Muwaadin Somali Maraykan lagu magacaabo Maxamed Faarax, kaasi oo la sheegay inuu isku diyaarinayey inuu u u socdaalo dalka Syria, si uu ugu biiro Kooxda Daacish.

Ninkaasi oo 21-jir ah ayaa oggolaaday inuu ku soo laabto magaalladda Minneapolis si uu Baarayaasha u hor yimaado, iyadoo lagu eedeynayo inuu taageerayey Koox Argagixiso shisheeye ah.

Mohamed Farah ayaa la sheegay inuu ka mid yahay lix Somali-Maraaykanka deggan Gobalka Minnesotta, oo ay Baarayaasha sheegeen inay qeyb ka yihiin Koox ballaaran oo Saaxiibo iyo Qaraabo aj, kuwaasi oo qorsheynayey inay ku biiraan Kooxda Daacish.

Afar ka mid ah Eedeysanayaasha ayaa maalmihii  Khamiistii iyo Jimcihii la soo dhaafay la soo taagay Maxkamadda, waxaana dacwadooda mar kale la dhegeysaan doonaa bishan April 30-da.

Dhinaca kale, Muwaadin Somali Maraykan lagu magacaabo Mohamed Abukar Saeed ayaa la xiray, kadib, markii uu u hanjabay Saraakiisha FBI-da.

Ninkaasi oo deggan magaallaadda San Diego ee Gobalka California,ayaa la sheegay inuu barta uu ku leeyahay Facebook-ga inuu soo dhigay hadallo iyo sawiro uu ku  ammaanay Kooxda Daacish.

Mohamed Abukar Saeed ayaa lagu soo oogay inuu sameeyey hadalo been ah oo la xiriira Argagixisadda Caalamiga, waxaana la amray in lagu sii hayo Xabsiga Federalka ee magaalladda San diego.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories