HomeWararCiiddanka Badda Talyaaniga oo maanta badbaadiyey boqolaal Tahriibayaal ay Somali ku jiraan

Ciiddanka Badda Talyaaniga oo maanta badbaadiyey boqolaal Tahriibayaal ay Somali ku jiraan

Date:

Related stories

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Wasiir Xoosh oo booqday matxafka Qaranka ee ciidanka Algeria

Wasiir Xoosh oo booqday Matxafka Qaranka ee Algeria. Wuxuu xusay halgankii gobannimo-doonka iyo muhiimadda iskaashiga labada dal.

Hadal ka soo baxay Ciiddanka Ilaaladda Xeebaha Talyaaniga ayaa sheegay inay maanta soo badbaadiyeen 228-Tahriibayaal, kuwaasi oo la socday dooni maraysay meel ka baxsan badda Libya.

Wararku waxay sheegayaan in 38 haween iyo hal cunug ka mid ahaayeen Tahriibayaasha la badbaadiyey, waxaana lagu wareejiyey Markab Dagaal oo ku sugnaa Badda.

Dhinaca kale, Kaluumeysato u dhalatay dalka Tunisiya ayaa badbaadiyey 80 Tahriibayaal ah oo ku sii jeeday Xeebaha Talyaaniga.

Dadkaasi ayaa dib loogu celiyey Degmadda Zarsis ee dalka Tunisia oo ay horey uga soo ambabaxeen.

Gurmadkan u dambeeya ayaa yimid, kadib, markii ay in ka badan 800 oo Tahriibayaal ah Axaddii hore ku naf waayeen dooni ku degtay meel ka baxsan Xeebaha Libya.

Hoggaamiyayaasha Midowga Europe ayaa isku waafaqay inay saddex jibaaraan Kharajka Hawlgalka ay Maraakiibta ugu gurmanayaan Tahriibayaasha ku soo safra Badda Mediterranean Sea.

Waxana Kharajkaasi la gaarsiiyey 130 million oo Dollar.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories