HomeWararNin Kenyaati oo lala xiriirinayo inuu xubin ka yahay Alshabaab oo lagu...

Nin Kenyaati oo lala xiriirinayo inuu xubin ka yahay Alshabaab oo lagu xiray Eldoreet

Date:

Related stories

Somaliland President Irro Set for Official Visit to Israel

Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi, known as Irro, is...

President Mohamud: Opposition lacks political vision since 2023

Somali President Hasan Sheikh Mohamud said opposition groups have...

Soomaaliya oo Urdun kaga wada hadashay caddaaladda kala-guurka

Soomaaliya oo Urdun kaga wada hadashay caddaaladda kala-guurka Cammaan, Urdun...

Three Officers Wounded as Al-Shabaab Strikes Elite SOG Base in Mandera

Three police officers sustained injuries when suspected Al-Shabaab fighters attacked a Special Operations Group (SOG) camp in Fino, located in Lafey Sub-County, Mandera County, on Friday night.

Somalia Gives Referee Omar Artan a Hero’s Welcome After U.S. Entry Denial

“What happened will not disappoint me, and I promise you that I will participate in the 2030 World Cup,” he said. He also urged Somali youth not to lose faith in their country or their passport.
- Advertisement -

Ciiddanka Boliska Kenya ee La-dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisadda ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan Nin lagu magacaabo Saciid Amiin Maruuk, oo uu dhalay  Sarkaal Sare oo ka tirsanaa Boliska Mandheera oo shil gaari ku geeriyooday bishii Feberaayo 17-dii ee sannadkan.

Hadal ka soo baxay Boliska ayaa lagu sheegay in Saciid Amiin Maruuk oo 21-jir ah uu xubin ka yahay Xarakadda Alshabaab, iyadoo ay Boliska baarayaan Mobaylkiisa iyo Dukumentiyo uu si khaas u lahaa.

- Advertisement -

Ninkaasi lagu magacaabo Saciid Amiin Maruuk oo ka soo jeeda Qabiilka Turkaanaha ee Kenya ayaa noqonayo Ninkii Labaad ee uu dhalay Mas’uul ka tirsan Maamulka Kenya oo xubin ka ahaa Alshabaab.

Mid ka mid ah Dagaalamayaashii Alshabaab ee bishan April 2-dii weeraray Jamaacadda Garissa oo lagu magacaabi jirey Abdiraxiim Abdullahi Mohamed ayaa la sheegay inuu Aabihiisa caaqil ka ahaa Deegaan hoos taga Mandheera.

 

- Advertisement -

 

Latest stories