HomeWararMuwaadin Somali lagu eedeeyey inuu basaasnimo u tegay Hoyga Uhuru Kenyatta oo...

Muwaadin Somali lagu eedeeyey inuu basaasnimo u tegay Hoyga Uhuru Kenyatta oo la amray in lagu sii hayo Xabsiga

Date:

Related stories

Somalia Trains First Government Cybersecurity Cohort

The National Communications Authority (NCA) has completed its first...

Golaha Shacabka oo dhaariyey Wasiirka Warfaafinta cusub

Soomaaliya: Golaha Shacabka oo dhaariyey Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdifitaax Qaasim.

HIQ oo xiray tababarkii shahaadooyinka amniga saaybarka

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo soo gebagebeysay tababarkii shahaadooyinka amniga saaybarka.

Soomaaliya oo taariikhdii ugu horeysay ka qayb gashay shirka ITF

Soomaaliya oo taariikhda ku qortay markii ugu horreysay ka qaybgalka Shirka ITF ee Jarmalka. Agaasimaha Guud Cumar Afrax: “Madasha ayaa na ku casuuntay xubin buuxda.”

Caleemo-saarka Jabuuti: Xasan Sheekh oo xoojiyay xiriirka gobolka

Xasan Sheekh oo ka qayb galay caleemo-saarka Jabuuti Jabuuti, 10...

Maxkamad ku taalla magaalladda Nairobi ayaa u xalaalaysay Boliska inay muddo 15 maalmood sii hayn karaa Muwaadin Somali ah oo lagu soo qabtay isagoo jooga mel ku dhow Hoyga Madaxweyne Uhuru Kenyatta ku leeyahay Deegaanka Gatundu South ee Bartamaha Kenya.

Eedeysanaha oo magaciisa lagu sheegay Saciid Mire Siyaad ayaa shalay la soo taagay Maxkmaad, iyadoo ay Baarayaasha ku eedeynayeen inuu ku hawlanaa hawlo Sirdoon, isla markaana uu qorsheynayey weerar lagu qaado Hoyga Madaxweyne Uhurru Kenyatta, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Maxkamadda waxay u oggolaatay Boliska inay muddo 15 maalmood sii hayaan Eedeysanahaasi, kadib, markii ay Baarayaasha codsadeen in la siiyo waqti ay baaritaano dheeraad ah ku sameeyaan Eedeysanaha, xogta ku kaydsan Mobaylkiisa iyo sidii loo baadigoobi lahaa rag kale oo isaga la socday, oo baxsaday.

Eedeysanaha ayaa la sheegay in mar kale dacwadiisa la dhegeysan doono bisha soo socota ee May 5-da.

Dhinaca kale, Kooxaha u ololeeya Xuquuqda Aadanaha ee dalka Kenya ayaa sheegay inay sii kordhayaan dadka loo qabanayo tuhunadda la xiriira Xag-jirnimadda, tan iyo markii ay Dagaalamayaasha Alshabaab ay 3 Toddobaad ka hor weerareen Jaamacadda Garissa, laguna dilay 148-qof.

Dagaalyahanadda Al;shabaab ayaa horey wacad ugu maray inay magaallooyinka Kenya ka dhigi doonaan balliyo uu dhiiggu qulqulayo, haddii aysan Ciiddanka Kenya ee qeybta ka ah AMISOM laga saarin Somalia.

 

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories