HomeWararMidowga Afrika oo Sheegay inaysan caddayn buuxda u haynin Eedeymaha Kufsiga oo...

Midowga Afrika oo Sheegay inaysan caddayn buuxda u haynin Eedeymaha Kufsiga oo ay Askarta AMISOM kula kaceen Haween Somali ah

Date:

Related stories

Deni Faces Criticism Over Somaliland Secession Push

Somalia’s Interior Minister Ali Yusuf Ali (Xoosh) on Tuesday...

Somalia nears completion of new Danab base amid anti-Al-Shabaab push

Somalia’s military says a new base for the elite...

Dowladda Federaalka oo Farriin Adag ka Dirtay Midnimada Soomaaliya

Dowladda Federaalka oo Farriin Adag ka Dirtay Midnimada Soomaaliya Muqdisho...

Bayaan ka Soo Baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Bayaan ka Soo Baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya. Muqdisho | 18...

Cabinet clears reform agenda ahead of planned elections

Somalia’s cabinet has endorsed a new roadmap to implement...

Ururka Midowga Afrika (AU)-da ayaa soo saaray Warbixin in dhawaalaba la sugayey oo ku saabsan Natiijadda ka soo baxday Baaritaanno ay ku hayeen Warbixin ay Hay’adda u dooda Xuqauuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ku sheegtay inay Askar ka tirsan Hawlgalka AMISOM ay kufsadeen haweeney Somali oo biyo iyo daawo u doontay Xerooyinka AMISOM ee magaalladda Muqdisho.

Qoraal ka soo baxay Xarunta Dhexe ee Midowga Afrika (AU)-da  ee magaalladda Addis Abeba ayaa lagu sheegay inay caddaymo u heleen run ahaanshaha labo kiis oo ka mid ah 21-ka kiis ee Kufsiga ee lagu soo oogay Askarta AMISOM.

 

Warbixinta Cusub ee Ururka AU-da  ayaa lagu sheegay inay AMISOM xushmeynayaan sharafta iyo haybadda dhamaaan Haweenka iyo Gabdhaha Soomaaliyeed, waa ssida hadalak loo dhigay.

 

Qoraalka Midowga Afrika ee AU ayaa waxa uu jawaab celin u ahaa Warbixin ay Hay’adda u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch soo saartay bishii September ee sannadkii hore, kuna sheegtay inay Askarta AMISOM kufsi u geysten haween iyo gabdho yaryar oo Somali ah.

 

Warbixinta Hay’adda Human Rights Watch ka soo saartay Xaruntooda Dhexe oo ku taalla magaalladda New York ee dalka Maraykanka ayaa lagu muujiyey inay Askarta AMISOM kufsi burcadnimo ah kula kaceen haween iyo gabdho ay da’doodu ka yar tahay 12-jir ahaa.

Dhinaca kale, Haweeneyda Madaxda ka ah Ururka AU-da, Nkosazana Dalamini Zuma oo u dhalatay dalka Koonfurta Afrika ayaa horey u amartay in la baaro Eedeymahaasi, iyadoo  Guddi loo saaray baaritaannadda Eedeymaha Kufsiga.

22,000 oo Askar AMISOM oo ka kala socda lix waddan ayaa ku sugan gudaha Somalia, kuwaasi oo Dowladda Federalka Somalia ka taageerayo Dagaalladda ay kula jiraan Xarakadda Alshabaab.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories