HomeWararSheekh caan ka ah Mandheera iyo Ganacsade Kenyaati oo dhawaan ka soo...

Sheekh caan ka ah Mandheera iyo Ganacsade Kenyaati oo dhawaan ka soo laabtay Somalia oo la xiray

Date:

Related stories

National Communications Authority Participates in ITU Global Symposium for Regulators (GSR-26) in Ankara

The annual global forum brings together heads of regulatory authorities, policymakers, industry leaders, and digital stakeholders from around the world to exchange knowledge and discuss emerging regulatory trends shaping the future of digital transformation. This year's symposium is held under the theme "Navigating the Digital Frontier," focusing on regulatory pathways towards a resilient and inclusive digital future.

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Boliska Kenya ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen Sheekh Mohamed Mursi oo caan ka ah magaalladda Mandheera, kaasi oo lagu eedeynayso inuu gacan ka geystay qorshihii ay Dagaalamayaasha Alshabaab ku weerareen Jamaacadda Garissa.

Sheekh Mohamed Mursi ayaa ah Shiikhii Labaad oo ay Ciiddanka Boliska ee La-dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisadda qabtaan toddobaadkan.

Sidoo kale, Boliska Kenya waxay gacanta ku dhigeen Ganacsade Zadook Agutu, kaasi oo la sheegay in lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha ee Jomo Kenyatta ee magaalladda Nairobi, kadib, markii uu Ganacsdaahaasi ka soo laabtay safar uu ku yimid Somalia.

Dhinaca kale, Dacwad-ooge lagu magacaabo Dunkaan Ondimu ayaa ka hor sheegay Maxkamadda inay Sheekh Maxamed Mursi iyo Ganacsade Zadook Agutu xiriir la sameeyeen Taliyaha Dagaalamayaasha Alshabaab ee Jubbooyinka, Sheekh Maxamed Kuno oo lagu naanayso Sheekh Dulyadayn ama Gacma-dheere.

Sheekh Maxamed Mursi iyo Ganacsade Zadook Agutu oo maanta la soo taagay Maxkamadda ayaa la amray in muddo 30-maalmood lagu sii hayo xabsiga, si ay Boliska u baaraan xogta ku kaydsan Telefoonadooda iyo Xisaabaadka ay ku leeyihiin Bangiga.

 

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories