HomeWararHaweeney u dhalatay Uganda oo la xaqiijiyey in lagu dilay qarixii Garowe

Haweeney u dhalatay Uganda oo la xaqiijiyey in lagu dilay qarixii Garowe

Date:

Related stories

Arab League slams Somaliland office opening in Jerusalem

Arab League Secretary-General Ahmed Aboul Gheit has condemned the...

Commander ousted after reported refusal to deploy troops

- Somali President Hassan Sheikh Mohamud has removed the...

Pirate attacks on two commercial ships thwarted off Somalia

Armed pirates attacked two commercial vessels in separate incidents...

Race intensifies for Somalia Lower House speaker post

Competition is intensifying for the position of Speaker of...
- Advertisement -

Muwaadinad u dhalatay dalka Uganda oo lagu magacaabo Catherine Ntabadde, una shaqeynaysay Xafiiska Hay’adda UNICEF ee magaalladda Garowe ayaa ka mid ahayd  Shaqaalihii Shisheeyaha ee shalay ku geeriyootay qaraxii ka dhacay Garowe.

Haweeneydaasi oo ahayd Khabiir dhinaca Isgaarsiinta waxay ka mid ahayd shaqaalaha Waaxda Isgaarsiinta ee Xafiiska UNICEF ee magaalladdfa Garowe.

- Advertisement -

 

Waxay Xafiiskaasi ka shaqeynaysay tan iyo sannadkii hore, iyadoo gacan ka geysatay hawlaha Talaalka Carruurta, gaar ahaan cuddurka Dabaysha.

Qarixii shalay ka dhacay Garowe oo ay Xarakadda Alshabaab qireen inay fuliyeen ayaa waxaa kaloo lagu dilay saddex shaqaale shisheeye ah oo ka shaqeynayey Xafiiska UNICEF ee magaalladda Garowe.

- Advertisement -

 

Labo ka mid ah shaqaalahaasi waxay u dhasheen dalka Kenya, waxaana la kala oran jirey Woki Munyui iyo Stephan Oduar, halka mid kale oo la oran jirey Payenda Gul Abed u dhashay dalka Afganistan.

 

Madaxa Xafiis-gobaleedka ee Isgaarsiinta UNICEF, James Elder ayaa sheegay inay ilaalayn ku hayaan xaalladda amaaanka ee Deegaanadda ee ay shaqaalaha UNICEF ka hawlgalaan.

 

Khubarada dhinaca Ammaanka ee UNICEF ayaa haatan ku sugan Garowe, si ay u qiimeeyaan xaalladda.

 

Latest stories