HomeWararDowladdaha Somalia, Kenya iyo Hay’adda UNHCR oo Kulan khaas ah ka yeelanayo...

Dowladdaha Somalia, Kenya iyo Hay’adda UNHCR oo Kulan khaas ah ka yeelanayo Xaalladda Qaxootiga

Date:

Related stories

Deni Faces Criticism Over Somaliland Secession Push

Somalia’s Interior Minister Ali Yusuf Ali (Xoosh) on Tuesday...

Somalia nears completion of new Danab base amid anti-Al-Shabaab push

Somalia’s military says a new base for the elite...

Dowladda Federaalka oo Farriin Adag ka Dirtay Midnimada Soomaaliya

Dowladda Federaalka oo Farriin Adag ka Dirtay Midnimada Soomaaliya Muqdisho...

Bayaan ka Soo Baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Bayaan ka Soo Baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya. Muqdisho | 18...

Cabinet clears reform agenda ahead of planned elections

Somalia’s cabinet has endorsed a new roadmap to implement...

Madaxweyne-ku-xigeenka dalka Kenya, William Samoei Ruto oo ah Siyaasiga amarka ku bixiyey in muddo saddex bilood Qaxootiga Soomaalida looga saaro Xeradda Qaxootiga ee Dadab ayaa soo dhigay Barta uu ku leeyahay Twitterka inay Dowladaha Kenya, Somalia iyo Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga (UNHCR) maanta yeelan doonaan Shir Saddex Geesood ah oo looga hadlayo dib-u-celinta Qaxootiga Soomaalida.

War Saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska William Ruto ayaa lagu shaaciyey in Kulanka maanta diiradda lagu saari doono Taabagelinta Heshiiskii Saddex Geesoodka ee la saxiixay in ka badan hal sanno, kaasi oo ku baaqayey Dib-u-celinta Qaxootiga Soomaalida ku nool Xerada Dada bee W/bari Kenya.

War Saxaafadeedka ka soo baxay Xafiiska William Ruto, ayaa lagu xusay in Kulanka lagu eegi doono dardargelinta sidii ay Qaxootiga si iskooda ugu laaban lahaayeen dalkooda hooyo.

“Kulanka maanta waxaa isku afgartay Ra’isul-wasaaraha Somalia, Omar Abdirashid iyo Madaxweyne-ku-xigeenka Kenya, Willam Ruto” ayaa lagu xusay War Saxaafadeedkaasi oo la soo dhigay barta Twitterka ee William Ruto

Dhinaca kale,Ra’isul-wasaaraha Xukuumadda Federalka Somalia, Dr. Omar Abdirashid oo xalay kulan la yeeshay William Samoei Ruto  ayaa ugu  baaqay Madaxweyne-ku-xigeenka Kenya inay kaga wada hadlaan Ammaanka Labada dal iyo Xaalladda Qaxootiga Somalia.

 

Ra’isul-wasaaraha waxa uu carrabka ku adkeeyey  inay muhiim tahay taageeradda Beesha Caalamka si loo dardargeliyo dadaalka haatan socda.
RUTTO 1 RUTTO 2 RUTTO 3 RUTTO 4

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories