HomeWararUNICEF oo sheegtay inay shaqaale kaga geeriyoodeen Falkii Isqarxinta ee maanta...

UNICEF oo sheegtay inay shaqaale kaga geeriyoodeen Falkii Isqarxinta ee maanta ka dhacay magaalladda Garowe

Date:

Related stories

Muqdisho Oo Shaacisay Natiijada Fasalka 8aad 2025-2026

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay natiijada imtixaanka Fasalka 8aad, iyadoo saddex arday lagu dhawaaqay inay kaalmaha ugu sarreeya galeen, lana guddoonsiiyay abaalmarinno.

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Qoraal ka soo baxay Hay’adda QM ugu qaabilsan Daryeelka Carruurta ee UNICEF ayaa lagu sheegay in afar ka mid ah Shaqaalahooda ka mid ahaayeen dadkii ku geeriyooday qarixii maanta lala beegsaday Bas ay la socdeen oo marayey meel ku dhow Dhismaha QM ka deggan tahay magaalladda Garowe. Qoraalka UNICEF waxaa kaloo lagu sheegay in afar […]

- Advertisement -

Qoraal ka soo baxay Hay’adda QM ugu qaabilsan Daryeelka Carruurta ee UNICEF ayaa lagu sheegay in afar ka mid ah Shaqaalahooda ka mid ahaayeen dadkii ku geeriyooday qarixii maanta lala beegsaday Bas ay la socdeen oo marayey meel ku dhow Dhismaha QM ka deggan tahay magaalladda Garowe.

Qoraalka UNICEF waxaa kaloo lagu sheegay in afar ka mid ah shaqaalahooda ay dhaawacyo halis ah soo gaareen, kuwaasi oo dhaawacooda loo duuliyey magaalladda Nairobi.

- Advertisement -

Goobjoogayaal ayaa sheegay inay  miino la kacday Baska QM, xilli uu ka yimid Aqalka Mratida, kuna sii jeeday Xafiiska QM ay ku leeyihiin Xaafadda Wadajir ee Koonfurta magaalladda Garowe.

Wasiirka Warfaafinta ee Maamulka Puntland, Abdiweli Hersi oo la hadlay Telefishinka Aljazeera ayaa sheegay in labo ka tirsan Ilaaladda Ammaanka ku geeriyoodeen Falka Is-qarxinta ee ka dhacay Garowe.

Wasiirka waxa kaloo  uu xusay in la garan la’ yahay haybta nin kale oo ku geeriyooday qaraxaasi.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha Somalia, Nicholas Kay ayaa cambaareeyey qaraxaasi lala eegtay Xarunta QM ee magaalladda Garowe.

Nicholas Kay oo qoraal soo dhigay Bartiisa Twitterka, waxa uu sheegay inay ka argagaxay dadka ku geeriyooday qaraxaasi.

Xarakadda Alshabaab ayaa sheegay inay ka dambeeyeen Qaraxii ka dhacay Garowe, waxayna xuseen inay ku dileen, kuna dhaawaceen shaqaale ka tirsan QM, waa sida ay hadalka u dhigeen.

 

Latest stories