HomeWararMidowga Europe oo maanta Kulan degdeg ka yeelanayo geeridda ku timid...

Midowga Europe oo maanta Kulan degdeg ka yeelanayo geeridda ku timid Boqolaal Tahriibayaal oo ay Soomalida ku jireen

Date:

Related stories

JSP oo Cali Guudlaawe U Doortay Musharraxa Hirshabeelle

Cali Guudlaawe ayaa si rasmi ah loogu aqoonsaday musharraxa Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee doorashada madaxtinimada Hirshabeelle, kaddib go’aan ay xubnaha fulinta xisbiga ku gaareen Muqdisho.

Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo Ku Guuleystay Qiimeynta Waxqabadka

Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo kaalmaha ugu sarreeya ka galay qiimeynta waxqabadka Xukuumadda, laguna guddoonsiiyay abaalmarinno.

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Iyadoo ay weli socdaan gurmadka lagu baadigoobayo boqolaalka Tahriibayaasha ee ay shalay doonida kula qalibantay meel ka baxsan Xeebaha Talyaaniga ayaa waxaa soo baxayo Baaqyo Caalami ah oo lagu muujinayo sida loogu baahan yahay in wax looga qabto Tahriibayaasha ku le’anayo Badda u dhexeysa Talyaaniga iyo Libya. Madaxweynaha dalka Faransiiska, Franswaa Hollande, Ra’isul-wasaaraha Talyaaniga, Maatiyo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Iyadoo ay weli socdaan gurmadka lagu baadigoobayo boqolaalka Tahriibayaasha ee ay shalay doonida kula qalibantay meel ka baxsan Xeebaha Talyaaniga ayaa waxaa soo baxayo Baaqyo Caalami ah oo lagu muujinayo sida loogu baahan yahay in wax looga qabto Tahriibayaasha ku le’anayo Badda u dhexeysa Talyaaniga iyo Libya.

Madaxweynaha dalka Faransiiska, Franswaa Hollande, Ra’isul-wasaaraha Talyaaniga, Maatiyo Renzi, Guddoomiyaha Golaha Europe, Donald Tusk, iyo Madaxa Siyaasadda ee Ururka EU-da, Fedriika Mogheriini ayaa sheegay inay ka argagaxeen masiibadda ay ku hoobteen Tahriibayaashaasi oo tiradooda lagu sheegay 700 oo qof.

- Advertisement -

Madaxweynaha Faransiiska, oo wareysi siiyey Telefishinka Canal Plus ayaa sheegay in loo baahan yahay gurmad dheeraad oo wax looga qabanayo dhibaatadda Tahriibayaasha doonyaha ku soo safrayo.

Wasiirka Caddaaladda iyo Muhaajiriinta ee dalka Sweden, Morgan Johanesson ayaa sheegay in loo baahan yahay inay Dowladaha ku mideysan EU-da waajib ku tahay inay qaadaan mas’uuliyadda xaalladda Qaxootiga.

Dhinaca kale, Wasiiradda Arrimaha dibedda ee Dowladaha ku jira EU-da ayaa lagu wadaa inay maanta shir degdeg ah ku yeeshaan dalka Luksanberg, si ay uga xaajoodaan Xiisadda Tahriibayaasha Shisheeyaha ee ku le’anaya Xeebaha Talyaaniga iyo Libya.

- Advertisement -

In ka badan 700 Tahriibayaal ay Soomaali ku jireen ayaa laga cabsi qabaa inay ku geeriyoodeen dooni waaberigii hore ee shalay ku degtay meel 70-KM ka baxsan Xeebaha Libya, oo dhinaca Koonfurta kaga toosan Jesiiradda Lampedusa.

Kooxaha Gurmadka ayaa soo badbaadiyey 28-qof, waxayna heleen maydadka ilaa 24-qof.

 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts