HomeWararMaydadka Tahriibayaasha la socday doontii ku qalibantay meel ka baxsan Badda Libya...

Maydadka Tahriibayaasha la socday doontii ku qalibantay meel ka baxsan Badda Libya oo la aasayo

Date:

Related stories

Muqdisho Oo Shaacisay Natiijada Fasalka 8aad 2025-2026

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay natiijada imtixaanka Fasalka 8aad, iyadoo saddex arday lagu dhawaaqay inay kaalmaha ugu sarreeya galeen, lana guddoonsiiyay abaalmarinno.

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Markabka GREGORETTI oo ay leeyihiin Ilaaladda Xeebaha Talyaaniga ayaa Waaberigii hore ee saakayto maydadka 24 Tahriibayaal ah ku wareejiyey Ilaaladda Xeebaha ee Jesiiradda Malta, si loogu aaso Xeebta. Markabka waxa kaloo uu 28 qof oo ka badbaaday doonta degtay u gudbisay magaalladda Kataniya ee  Jesiiradda Sishiliya. Mid ka mid ah dadka ka badbaaday shilkaasi oo […]

- Advertisement -

Markabka GREGORETTI oo ay leeyihiin Ilaaladda Xeebaha Talyaaniga ayaa Waaberigii hore ee saakayto maydadka 24 Tahriibayaal ah ku wareejiyey Ilaaladda Xeebaha ee Jesiiradda Malta, si loogu aaso Xeebta.

Markabka waxa kaloo uu 28 qof oo ka badbaaday doonta degtay u gudbisay magaalladda Kataniya ee  Jesiiradda Sishiliya.

- Advertisement -

Mid ka mid ah dadka ka badbaaday shilkaasi oo u dhashay dalka Bangaladesh ayaa sheegay inay 950 Tahriibayaal ah la socdeen doonidii shalay ku degtay meel ka baxsan Badda Libya.

Waxaa la rumeysan yahay in ka badan 900 Tahriibayaal u badan Somali iyo Eriterian la socdeen doonidaasi degtay, waxaana inta badan Tahriibayaasha lagu xiray qeybta hoose ee Doonida ay la socdeen.

Dhinaca kale, Wasiiradda Arrimaha Dibedda iyo Gudaha ee 28-ka dal ee  ku mideysan EU-da ayaa lagu wadaa inay galabta abaaraha 03:00 galabnimo  kulan degdeg ah ku yeeshaan dalka Luxenberg.

- Advertisement -

Madaxa EU-da ee Arrimaha Gudaha, Dimitiris Afaramapolus ayaa sheegay in Kulankaasi looga hadli doono sidii xal loogu heli lahaa Tahriibayaasha ku le’anayo Baddaha.

Hay’adda Caalamiga ee Muhaajiriint ee IOM, ayaa ugu baaqday Dowladaha EU-da inay tageeraan Hawlgalka Talyaaniga ee loogu gurmanayo Thariibayaasha ee MARE NOSTRUM, inkastoo Hawlgalkaasi dhaqaale la’aan loo joojiyey sannadkii hore.

Dowladda Talyaaniga waxay ku baaqday in laga taageero Hawlgalkaasi oo ay bishiiba lagu kharaj gareeyo  9 million oo Euro una dhiganta 9.7 million oo Dollar.

Latest stories