HomeWararWar Saxaafadeed ku saabsan Baarlamaanka KMG ee Juba

War Saxaafadeed ku saabsan Baarlamaanka KMG ee Juba

Date:

Related stories

National Communications Authority Participates in ITU Global Symposium for Regulators (GSR-26) in Ankara

The annual global forum brings together heads of regulatory authorities, policymakers, industry leaders, and digital stakeholders from around the world to exchange knowledge and discuss emerging regulatory trends shaping the future of digital transformation. This year's symposium is held under the theme "Navigating the Digital Frontier," focusing on regulatory pathways towards a resilient and inclusive digital future.

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

War saxaafadeed

Xildhibaanada , Siyaasiyiinta iyo Aqoonyahanka Beelweynta  Xawaadle , waxa ay ku dhawaaqayaan qodobada hoos ku xusan oo ku saabsan dhismaha Baarlamaanka Maamulka KMG ah ee Juba :

1-      Beelweynta  Xawaadle , waxa ay ugu baaqeysaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Xassan Sheekh Maxamuud inaanu booqan Magaalada Kismaayo , illaa iyo inta Beelaha dega Gobolada Jubbooyinka oo Beelweynta Xawaadle ay ka mid tahay laga siiyo Xubnaha ay ku leedahay Baarlamaanka Juba .
2-      Beelweynta Xawaadle , waxa ay ku wargelineysaa Dowladda Federaalka Soomaaliya , Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya (UNSOM), Ergeyga IGAD,Ergeyga Midowga Yurub, Ergeyga Midowga Afrika ee Soomaaliya , Danjirayaasha iyo wakiilada Beesha Caalamka ee daneeya Arrimaha Soomaaliya , in Hogaamiyaha Maamulka KMG ah ee Juba Axmed Madoobe ku takri falay awoodda , sameystayna Baarlamaan aaney u dhameyn dhammaan beelaha wada dega Gobolada Jubooyinka , taasina ay xadgudub ku tahay heshiiskii lagu ogolaaday dhismaha Maamulkaasi ee lagu saxiixay Addis Ababa, ayna caqabad ku noqon doonto geedi socodka nabadda, dib u heshiisiinta  iyo fidinta awoodda maamul.
3-      Beelweynta Xawaadle oo ka mid ah beelaha wada dega dhammaan gobolada Jubbooyinka sida Jubada hoose , Jubada dhexe iyo Gedo  , waxa ay cadeyneysaa in laga hor istaagay, loona diiday  helidda xubnaha ay ku yeelan laheyd  Baarlamaan uu yeesho Maamulka KMG ah ee Juba .

 Wabillaahi Towfiiq 

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories