HomeWararBoqolaal Tahriibayaal oo laga cabsi qabo inay ku geeriyoodeen dooni ku degtay...

Boqolaal Tahriibayaal oo laga cabsi qabo inay ku geeriyoodeen dooni ku degtay meel ka baxsan Xeebaha Libya

Date:

Related stories

Somalia Trains First Government Cybersecurity Cohort

The National Communications Authority (NCA) has completed its first...

Golaha Shacabka oo dhaariyey Wasiirka Warfaafinta cusub

Soomaaliya: Golaha Shacabka oo dhaariyey Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdifitaax Qaasim.

HIQ oo xiray tababarkii shahaadooyinka amniga saaybarka

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo soo gebagebeysay tababarkii shahaadooyinka amniga saaybarka.

Soomaaliya oo taariikhdii ugu horeysay ka qayb gashay shirka ITF

Soomaaliya oo taariikhda ku qortay markii ugu horreysay ka qaybgalka Shirka ITF ee Jarmalka. Agaasimaha Guud Cumar Afrax: “Madasha ayaa na ku casuuntay xubin buuxda.”

Caleemo-saarka Jabuuti: Xasan Sheekh oo xoojiyay xiriirka gobolka

Xasan Sheekh oo ka qayb galay caleemo-saarka Jabuuti Jabuuti, 10...

Ilaa 700 oo qof oo Tahriibayaal ah ayaa laga cabsi qabaa inay ku maashoobeen dooni ku degtay meel ka baxsan Badda Libya oo qiyaastii 193 KM dhanka Koonfurta kaga toosan Jesiiradda Lampedusa ee dalka Talyaaniga.

 

Afhayeenadda Hay’adda QM ugu qaabilsan arrimaha Qaxootiga (UNHCR), Karalotta Saami ayaa u sheegtay Telefishinka Skytg 24 inay ka cabsi qabaan xaalladda Tahriibayaasha ay doonida la degtay.

 

Waxay intaasi ku dartay in 28 qof oo keliya laga badbaadiyey doonida degtay.

 

Warar Xog-ogaal ayaa sheegayo inay Tahriibayaasha hal dhinac u bateen, taasi oo keentay inay Doonida dhinac u liicdo, ka hor inta aysan qalibmin.

 

Ciiddanka Ilaaladda Xeebaha iyo Maraakiibta Dagaalka ee Talyaaniga ayaa ku hawlan sidii loogu gurman lahaa Tahriibayaasha.

 

Haddii la xaqiijiyo shilkaasi, waxa uu noqonayaa mid ka mid ah masiibadaha ugu xumaa ee tobaneeyo sanno ka dhacda Koonfurta Badda Mediterranean Sea, iyadoo tiradda guud ee sannadkan ku geeriyootay Badda u dhexeysa Libya iyo Talyaaniga gaarayso in ka badan 1,500 oo qof.

 

Dhinaca kale, Tahriibayaal ku dhow 13,000 oo qof ayaa toddobaadkii hore si nabad ah ku gaaray Xeebaha dalka Talyaaniga, kadib, markii ay Ilaaladda Xeebaha Talyaaniga u fidiyeen gurmad lagu soo badbaadiyey.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories