HomeWararAmnesty International oo ka digtay qorshaha ay Kenya ku soo celinayso ...

Amnesty International oo ka digtay qorshaha ay Kenya ku soo celinayso Qaxootiga Soomaalida

Date:

Related stories

President Hassan Sheikh Travels to Djibouti for President Guelleh’s Inauguration

Somali President Hassan Sheikh Mohamud arrived in Djibouti on...

Somalia Faces 40% Drop in Imports and Rising Inflation, Cabinet Responds

Somalia’s federal cabinet today approved new security regulations and...

Soomaaliya iyo Burkina Faso oo iska kaashanaya amniga

Fartaag oo Burkina Faso kula wadatay argagixisada Ouagadougou, – Wasiirka Amniga...

Somalia’s Office of Attorney General Presses Charges on Saadiya Bajaj

The Office of the Attorney General of Somalia announced...

Deni oo tababar hubka culus u furay dagaalka Argagixisada

Puntland: Madaxweyne Deni oo tababar hubka culus iyo hoggaaminta u furay duufacdii 6-aad ee PMPF. “Waxaan kalsooni qabaa in ay difaaci doonaan dadka.” Akhri maqaalka

Hay’adda u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ee fadhigeeda dhexe ku yaallo magaalladda London ee dalka Britain ayaa sheegtay  inuu go’aanka Dowladda Kenya xadgudub ku yahay Sharciyadda Caalamiga,isla markaana ay khatra r ka dhalan karto haddii la soo celiyo Qaxootiga Soomaalida ee ku nool Xeradda Dhadhaab.

“In awood lagu celiyo Qaxootiga Soomaalida, waxay khatar gelin kartaa noloshooda iyo inay Qaxootiga u gacan galaan Alshabaab” ayaa lagu yiri Qoraal ay Hay’adda soo saartay, oo walaac looga muujiyey aayaha 350,000 Qaxooti Soomaali ah.

Hay’adda waxay ku boorisay Dowladda Kenya inay dib u eegaan Go’aankooda, isla markaana ay qaadaan mas’uuliyadda ammaanka dadka ku nool xuduudahooda.

Dhinaca kale, Hay’adda Amnesty International, waxay sheegtay inaysan Dowladda Federalka Somalia gacanta ku haynin qeybo badan oo ka mid ah Goballadda Somalia.

 

Sidoo kale, Hay’adda u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ayaa sheegay inay xad-dugub noqon doonto haddii ay Dowladda Kenya si khasab ah ku celiyaan Qaxootiga Soomaalida oo ay dhici karto inay khatar galaan haddii lagu soo celiyo gudaha dalkooda hooyo.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories