HomeWararAgaasimayaal Xawaalado ku yaalla Kenya oo lala xiriirinayo inay Alshabaab maalgeliyaan oo...

Agaasimayaal Xawaalado ku yaalla Kenya oo lala xiriirinayo inay Alshabaab maalgeliyaan oo xabsiga lagu sii haynayo

Date:

Related stories

Muqdisho Oo Shaacisay Natiijada Fasalka 8aad 2025-2026

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay natiijada imtixaanka Fasalka 8aad, iyadoo saddex arday lagu dhawaaqay inay kaalmaha ugu sarreeya galeen, lana guddoonsiiyay abaalmarinno.

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Labo Agaasime Xawaaladeed oo madax ka ahaa Shirkadda Sky Forex Limited ee uu fadhigeedd dhexe ku yaallo Britain, ayaa lagu soo oogay inay malageliyaan Alshabaab iyo inay  Ganacsi Bangiyeed aan shaarci lahayn ka hawlgalayeen. Labada Agaasime oo lagu kala magacaabo Abdirashiid Jama Ibrahim iyo Ali Mohamed Hersi ayaa shalay la soo taagay Maxkamadda Sharciga ee […]

- Advertisement -

Labo Agaasime Xawaaladeed oo madax ka ahaa Shirkadda Sky Forex Limited ee uu fadhigeedd dhexe ku yaallo Britain, ayaa lagu soo oogay inay malageliyaan Alshabaab iyo inay  Ganacsi Bangiyeed aan shaarci lahayn ka hawlgalayeen.

Labada Agaasime oo lagu kala magacaabo Abdirashiid Jama Ibrahim iyo Ali Mohamed Hersi ayaa shalay la soo taagay Maxkamadda Sharciga ee MILIMANI, waxaana lagu soo oogay inay lahaayeen Xarun lagu sarifo lacagaha qalaad oo aan Laysan ka haysanin Bangiga Dhexe ee Kenya.

- Advertisement -

Garsooradda Maxkamadda oo lagu magacaabo Susan Kurugo ayaa amartay in Labada Agaasime Xawaaladeed lagu sii hayo xabsiga muddo saddex malamood, si ay Baarayaasha gacan uga siiyaan baaritaankooda.

Waxay sheegtay inay Xawaaladda Sky Forex Limited ka mid tahay  Shirkadaha Xawaaladaha ee lagu soo bandhigay Liiska Madow ee Shaqsiyaadka iyo Xawaaladaha lagu tuhunsan yahay inay maalgeliyaan Xarakadda Alshabaab.

Latest stories