HomeWararSomali lala xiriirinayo Alshabaab oo lagala baxay Masaajid ku yaalla dalka Tanzania

Somali lala xiriirinayo Alshabaab oo lagala baxay Masaajid ku yaalla dalka Tanzania

Date:

Related stories

Muqdisho Oo Shaacisay Natiijada Fasalka 8aad 2025-2026

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay natiijada imtixaanka Fasalka 8aad, iyadoo saddex arday lagu dhawaaqay inay kaalmaha ugu sarreeya galeen, lana guddoonsiiyay abaalmarinno.

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Ciiddanka Ammanaka ee dalka Tanzania ayaa sheegay inay qabteen 10 qof oo Soomaali ah oo lala xiriirinayo inay xubno ka yihiin Xarakadda Alshabaab. Taliyaha Boliska dalkaasi, Paul Chagonja ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka ee REUTERS  inay Eedeysanayaashaasi ku qabteen Degmadda Kilombeero ee Gobalka Morogoro oo qiyaastii 200-KM dhanka Bari kaga toosan Caasimadda dalkaasi ee Darasalaam. […]

- Advertisement -

Ciiddanka Ammanaka ee dalka Tanzania ayaa sheegay inay qabteen 10 qof oo Soomaali ah oo lala xiriirinayo inay xubno ka yihiin Xarakadda Alshabaab.

Taliyaha Boliska dalkaasi, Paul Chagonja ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka ee REUTERS  inay Eedeysanayaashaasi ku qabteen Degmadda Kilombeero ee Gobalka Morogoro oo qiyaastii 200-KM dhanka Bari kaga toosan Caasimadda dalkaasi ee Darasalaam.

- Advertisement -

Taliyaha Boliska Gobalka Morogoro, Lenord Paul Lawabuzala ayaa sheegay inay Eedeysanayaasha ka soo qabteen Masaajid gudihiisa, iyadoo mid ka mid ah laga soo dhex qabtay meel ay dadka ku badan yihiin.

Waxa uu intaasi ku daray in Eedeysanayaasha laga soo qabtay Masjidka lagu qabtay 30 walxaha qarxa, qalabka miinooyinka lagu qarxiyo, Calanka Madow ee Xarakadda Alshabaab, Labiska Milliteriga, Mindiyo iyo  Weji-gashi ama Maasgaro, waa sida uu hadalka u yiri.

Dhinaca kale,  Hay’addaha Ammaanka ee dalkaasi ayaa la sheegay in heegan buuxa la geliyey, tan iyo wixii ka dambeeyey, markii ay Xarakadda Alshabaab bilowgii bishan weerarka ka geysteen Jaamacadda Garissa ee dalka Kenya, laguna dilay 148-qof.

- Advertisement -

 

Latest stories