HomeWararMuwaadin Somali oo qaxooti ku ah dalka Switzerland oo ka qeyb gali...

Muwaadin Somali oo qaxooti ku ah dalka Switzerland oo ka qeyb gali doono Tartanka Taekwondo

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Faisal Jeylani Aweys waa Muwaadin Somali ah oo haatan ku nool magaalladda Lausanne ee dalka Switzerland, wuxuuna rajeynayaa inuu noqdo Ciyaaryahan caan ku ah Legdenta loo yaqaano Taekwondo. Faysal oo 14 sanno ka hor ka qaxay colaadaha dalkeenna, ayaa sheegay in ay hooyadiisa koo a mid ahaan jirtey Ciyaartoyda Ciyaaraha Fudud, ay u geeriyootay cuddurka […]

- Advertisement -

Faisal Jeylani Aweys waa Muwaadin Somali ah oo haatan ku nool magaalladda Lausanne ee dalka Switzerland, wuxuuna rajeynayaa inuu noqdo Ciyaaryahan caan ku ah Legdenta loo yaqaano Taekwondo.

Faysal oo 14 sanno ka hor ka qaxay colaadaha dalkeenna, ayaa sheegay in ay hooyadiisa koo a mid ahaan jirtey Ciyaartoyda Ciyaaraha Fudud, ay u geeriyootay cuddurka Kansarka  isagoo ilmo yar ah.

- Advertisement -

Markii uu tegay dalka Switzerland waxa uu noqday Garsoore iyo Tababare, wuxuuna aad u danaynayaa inuu noqdo Ciyaaryahan Calaami ah.

Waxa uu Kaalinta 60-aad kaga jiraa Ciyaartoyda Takawondaha ee Caalamka

Faisal Jeylani Aweys waxa uu sheegay inay noloshiisa ciyaaraha mar kale is-bedeshay, kadib, markii uu Xoghayaha Guud ee Guddiga Olombikadda Soomaaliyeed, Duraan Farah ka qeyb galay Ciyaarta Furan ee Lausanne Open Tournament.
Faisal Jeylani Aweys waxa uu ku guuleystay tartamo ka kala dhacay dalalka Switzerland, Faransiiska iyo Jarmalka.

- Advertisement -

Sannadkii 2013-kii, waxa u uu ambabaxay dalka Masar oo uu kaga qeyb galay Tartankiisa ugu horreeyey ee ka baxsan Qaaradda Europe ku tegya dalka Masar, isagoo ka mid ah Ciyaartoyda Soomaalida ee Ciyaaraha Fudud.

Aweys waxa uu tartankaasi ka galay Kaalinta Afaraad, isagoo guushaasi ku dhiirigelisay inuu noqon doono Ciyaartoy  Heer Caalami ah.

Faisal Jeylani Aweys  oo ah Xaasle hal cunug leh waxa uu sheegay inuu u diyaargaroobayo Ciyaaraha Fudud ee Calaamka oo sannadka dambevlagu qaban doono dalka Brazil.
Xigasho: AFP

f 4 F 3 f 2 F 1

Latest stories