HomeWararMadaxweynaha oo ku baaqay in la iska kaashado la dagaallanka argag-gixisada

Madaxweynaha oo ku baaqay in la iska kaashado la dagaallanka argag-gixisada

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweynaha oo ku baaqay in la iska kaashado la dagaallanka argag-gixisada Cadaado, 14 Abriil 2015, Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa cambaareeyay weerarka ay kooxda argagixsadu maanta ku qaadday dhisme ay leedahay Wasaaradda Waxbarashadu. Madaxweynuhu wuxuu dhambaal tacsi ah u diray dhammaan qoysaska, ehelada iyo qaraabada ay ka geeriyoodeen dadkii shacabka […]

header 2

- Advertisement -

Madaxweynaha oo ku baaqay in la iska kaashado la dagaallanka argag-gixisada

Cadaado, 14 Abriil 2015, Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa cambaareeyay weerarka ay kooxda argagixsadu maanta ku qaadday dhisme ay leedahay Wasaaradda Waxbarashadu.

- Advertisement -

Madaxweynuhu wuxuu dhambaal tacsi ah u diray dhammaan qoysaska, ehelada iyo qaraabada ay ka geeriyoodeen dadkii shacabka ahaa iyo askartii maanta ku geeriyooday weerarka. Madaxweynuhu wuxuu sidoo kale u rajeeyay dadka dhaawaca ah in Ilaaheey u bogsiiyo si dhakhsa leh.

Wuxuu Madaxweynuhu bogaadiyay ciidammada amniga ee Soomaaliya iyo ciidanka AMISOM oo si geesinnimo leh u daafacay shacabka Soomaaliyeed kana hor istaagay kooxda argag-gixisada ahi in ay ku guuleysato danaheeda gurracan.

Madaxweynuhu wuxuu ku tilmaamay in weerarka ay Shabaab ku qaadday Wasaaradda Waxbarashada iyo Barbaarinta oo qaabbilsan waxbarashada iyo tarbiyada ubadka Soomaaliyeed uu astaan u yahay sida ay kooxdani u marin habowsan tahay.

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo socdaal shaqo ku jooga magaalada Cadaado, wuxuu dadweynaha Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka feejignaadaan tabaha kooxdan marin habowsan isla markaana ay iska kaashadaan, dowladda ay gacan ka siiyaan si Soomaaliya uga gudubto weerarrada lagu gumaadayo shacabka loogana hor istaagayo horumarka.

DHAMMAAD

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: daweis@presidency.gov.so

Latest stories