HomeWararKenya oo lagu eedeeyey inaysan dacaad ka ahayn Dagaalka Alshabaab

Kenya oo lagu eedeeyey inaysan dacaad ka ahayn Dagaalka Alshabaab

Date:

Related stories

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

Taliyaha Ciiddanka Milliteriga Somalia ee Gobalka Gedo, Yaasiin Barre Hassan ayaa ku eedeeyey inaysan Ciiddanka Kenya daacad ka ahayn dagaalka lagula jiro Xarakadda Alshabaab. Taliyahaasi oo u waramay Wargeyska The Star ee ka soo baxa magaalladda Nairobi ayaa sheegay inay Ciiddanka Kenya ku fashilmeen inay Milliteriga Dowladda Federalka iska kaashadaan Hawlgalladda lagula dagaalamayo Alshabaab, laguna […]

- Advertisement -

Taliyaha Ciiddanka Milliteriga Somalia ee Gobalka Gedo, Yaasiin Barre Hassan ayaa ku eedeeyey inaysan Ciiddanka Kenya daacad ka ahayn dagaalka lagula jiro Xarakadda Alshabaab.

Taliyahaasi oo u waramay Wargeyska The Star ee ka soo baxa magaalladda Nairobi ayaa sheegay inay Ciiddanka Kenya ku fashilmeen inay Milliteriga Dowladda Federalka iska kaashadaan Hawlgalladda lagula dagaalamayo Alshabaab, laguna sugayo Ammaanka magaalladda Beled-xaawo oo ku taalla sohdinta ay labada waddan wadaagaan.

- Advertisement -

“Ciiddanka Kenya daacad kama ah dagaalka Alshabaab,  wax tixgelinna  ma siiyaan Warbixinadda  Sirdoonka ee ka dhanka ah Alshabaab,” ayuu yiri Taliyaha Ciiddanka Dowladda ee Gobalka Gedo,oo intaasi ku daray inay qaar ka tirsan Saraakiisha Ammaanka Kenya iska indha-tiraan dagaalka Alshabaab.

Waxa uu intaasi ku daray inaysan Ciiddanka Kenya wax tallaabo ah ka qaadin Dagaalamayaasha Alshabaab ee saldhigga ku leh Deegaanka Gadandawe oo tobaneeyo KM u jirta Buulo-xaawo, wuxuuna halkii ay ka weerari lahaayeen Alshabaab inay duqeeyaan Deegaannadda ay dadka rayidka deggan yihiin.

Dhinaca kale, Taliyaha Ciiddanka Milliteriga Somalia ee Gobalka Gedo, Yaasiin Barre Hassan waxa Wareysigiisa ku xusay inay Hay’addaha Ammaanka Kenya u gudbiyeen dhowr isbuuc ka hor Liiska 14-qof oo xiriiriya Hawlgalladda Alshabaab, kuwaasi oo uu tilmaamay inay ku kala sugan yihiin Mandheera iyo gudaha Somalia.

- Advertisement -

Waxa uu intaasi ku daray inay Ciiddanka Kenya ka gaabiyeen sidii loo soo qaban lahaa dadkaasi oo ay ku jiraan labo xubnood oo caddaan ah, waa sida uu hadalka u dhigay.

 

Latest stories