HomeWararDowladda Iiraan oo Kenya u digtay ka hor intaysan Alshabaab weerarin...

Dowladda Iiraan oo Kenya u digtay ka hor intaysan Alshabaab weerarin Jamaacadda Garissa

Date:

Related stories

Soomaaliya oo taariikhdii ugu horeysay ka qayb gashay shirka ITF

Soomaaliya oo taariikhda ku qortay markii ugu horreysay ka qaybgalka Shirka ITF ee Jarmalka. Agaasimaha Guud Cumar Afrax: “Madasha ayaa na ku casuuntay xubin buuxda.”

Caleemo-saarka Jabuuti: Xasan Sheekh oo xoojiyay xiriirka gobolka

Xasan Sheekh oo ka qayb galay caleemo-saarka Jabuuti Jabuuti, 10...

EU iyo Soomaaliya oo xoojisay iskaashigooda istiraatiijiga

EU iyo Soomaaliya oo adkeeyay iskaashiga istiraatiijiga

Koonfur Galbeed oo si weyn u qabatay doorashadii Qof iyo Cod

Koonfur Galbeed oo si weyn u qabatay doorashadii Qof iyo Cod

President Hassan Sheikh Travels to Djibouti for President Guelleh’s Inauguration

Somali President Hassan Sheikh Mohamud arrived in Djibouti on...

Wargeyska ugu da’da weyn Jaraa’idka Kenya ee The Standard ayaa qoray inay Dowladda Iiraan uga digtay Saraakiisha Kenya hal Toddobaad ka hor, inta aysan Dagaalamayaasha Alshabaab bishan April 2-dii ku qaadeen Jamaacadda Garissa, oo lagu dilay ku-dhawaad 150-qof.

Wargeyska waxa uu ka soo xigtay Diplomaasi ka soo jeeda dalalka Braiga dhexe, kaasi oo sheegay inay Sirdoonka Iiraan basaasayeen Dhaqdhaqaaqyadda Alshabaab, isla markaana ay ka digeen toddobaad ka hor inta uusan dhicin Weerarkii Jamacadda Garissa.

 

Sirdoonka Iiraan waxay kaloo Dowladda Kenya uga digeen inay Alshabaab qorsheysteen inay weerar ba’an la beegsadaan Dadka Kirishtaanka ee ku sugan magaallooyinka Mombasa, Nairobi iyo Garissa ee u dabaal-degayey Ciidda Kirishtaanka ee Easterka.

 

Wargeyska The Standard waxa uu qoray inay Saraakiisha Kenya fududeysteen Warbixinta Sirdoonka Iiraan ee Weerarkii Jamaacadda Garissa.

 

Dhinaca kale, Xiriirka Iiraan iyo Kenya ee dhinaca Ammaanka iyo Sirdoonka ayey kala saxiixdeen bishii Feberaayo ee sannadkan, kadib, markii uu Wasiirka Arrimaha dibedda ee Iiraan, Mohamed Javad Zarif booqasho ku tegay Nairobi.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories