HomeWararSoomaalida Kenya oo lagu cadaadinayo inay shaaciyaan Taageerayaasha iyo Maalgeliyayaasha Alshabaab...

Soomaalida Kenya oo lagu cadaadinayo inay shaaciyaan Taageerayaasha iyo Maalgeliyayaasha Alshabaab ee W/bari Kenya

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Siyaasiyiinta Soomaalida Kenya ee ka tirsan Dowladda Kenya oo maalmahan booqasho ku joogay magaalladda Garissa ayaa shaaciyey inay ka go’an tahay sidii loo magacaabi lahaa dadka taageersan Alshabaab ee ku sugan magaallooyinka W/bari Kenya. Mudanaha laga soo doortay Degaanka Fiife, Barre Shiil ayaa sheegay   inaysan dib ugu laaban doonin magaalladda Nairobi, tan iyo inta ay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Siyaasiyiinta Soomaalida Kenya ee ka tirsan Dowladda Kenya oo maalmahan booqasho ku joogay magaalladda Garissa ayaa shaaciyey inay ka go’an tahay sidii loo magacaabi lahaa dadka taageersan Alshabaab ee ku sugan magaallooyinka W/bari Kenya.

Mudanaha laga soo doortay Degaanka Fiife, Barre Shiil ayaa sheegay   inaysan dib ugu laaban doonin magaalladda Nairobi, tan iyo inta ay ka dhamaystirayaan Liiska dadka lagu tuhmayo inay maalgeliyaan Alshabaab.

- Advertisement -

“Dib uguma laaban doono Nairobi ilaa aan ka helno magacyadda dadka laguxiriirinayo weeraradda Alshabaab” ayuu yiri Barre Shiil oo ka hadlay kulan looga hadlayey cabsida ay Alshabaab ku hayaan W/bari Kenya.

Waxa uu intaasi ku daaray inay ka go’an tahay inay shaaciyaan dadkaasi, waa sida uu hadalka u yiri, wuxuuna ugu baaqay Hoggaamiyayaasha Diinta, kuwa Dhaqanka iyo Taliyayaasha Ammaanka iyo Waalidiinta inay soo gudbiyaan xogta ay ka hayaan Alshabaab.

Mudanaha Aqlabiyadda ballaaran ku dhex leh Barlamaanka Kenya, Aadan Ducaale ayaa ka mid ahaa Siyaasiyiintii ka qeyb gashay Shirkaasi,  ayaa tilmaamay inuu caddowga ku dhex jiro dadka Garissa.

- Advertisement -

Kulankaasi ayaa  yimid Isbuuc kadib, markii uu dhacay weerarkii ay Dagaalamasyaasha Alshabaab ku qaadeen Jaamacadda Garissa, laguna dilay 147-qof, iyadoo 79-kalena lagu dhaawacay.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts