HomeWararMadaxweynaha: Muhimadda koowaad ee dowladda waa dhismaha, tayeynta iyo daryeelka ciidammada

Madaxweynaha: Muhimadda koowaad ee dowladda waa dhismaha, tayeynta iyo daryeelka ciidammada

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ahna Taliyaha Guud ee ciidammada qaranka ayaa hambalyo u direy Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo maanta u dabbaaldegaya sannadguuradii 55aad ee ka soo wareegtey tan iyo markii la aasaasey. Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyey munaasabad ballaaran oo ka dhacdey xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga oo lagu xusayey maalinta […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ahna Taliyaha Guud ee ciidammada qaranka ayaa hambalyo u direy Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo maanta u dabbaaldegaya sannadguuradii 55aad ee ka soo wareegtey tan iyo markii la aasaasey.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyey munaasabad ballaaran oo ka dhacdey xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga oo lagu xusayey maalinta 12-ka April, ayaa sheegay in Ciidammada Xoogga Dalka ay baal dahab ah kaga jiraan taariikhda Soomaaliya, mar walbana u taagan yihiin inay dalkooda iyo shacabkooda u adeegaan.

- Advertisement -

“Dalna ma jiri karo, haddii uusan lahayn ciidan suga amnigiisa gudaha, kan xudduudaha badda iyo berriga, Soomaaliyana iyadoo taasi ka duuleysa ayay sannadkii 1960kii sameysatey mid ka mid ciidammadii ugu taya fiicnaa qaaradda Afrika. Maantana waxaa jirta baahi loo qabo ciidammo tayeysan oo shacabka ka hor leexiya inta yar ee ka harsan cadowga Al Shabaab.’’

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladda iyo waddamada saaxiibka la ah ay dadaal weyn u galeen dib u yagleelidda Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya, balse weli ay wax badan dhimman yihiin.

‘’ Wax badan way inoo qabsoomeen dhanka dib u dhiska ciidammadeena, laakiin wax badan ayaa qabyo inaga ah. Ciidankeenu weli waa curdan, ma haystaan agab iyo tababbaro ku filan, waxaadna la socotaan inaan inagoo dagaal ku jirno aan ku guda jirno dhismaha ciidammada. Waxaan idin caddeynayaa in muhimadda koowaad ee dowladda ay tahay dhismaha, tayeynta iyo daryeelka ciidammada Soomaaliyeed’’, ayuu yiri madaxweynaha.

- Advertisement -

Waxaa kale oo uu Madaxweynuhu ammaan u soo jeediyeyay waddamada ku jira Hawlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika (AMISOM), dalalka Mareykanka, Turkiga, Imaaraadka Carabta iyo kuwa kale ee qeyb qaatey dib u dhiska ciidammada Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa waxaa uu ku boorriyey shacabka inay sii labanlaabaan taageerada laamaha amniga, isagoo dhanka kalena shacabka u xaqiijiyey in dowladda ay ka go’an tahay hirgelinta barnaamijka Hiigsiga 2016, isla markaana aanu jirin qorshe muddo kordhin ah oo dowladdiisu dooneyso.

Munaasabadaasi kadib waxaa uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud xarigga ka jarey isbitaalka Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka oo dayactir lagu sameeyay.

-DHAMMAAD-

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: daweis@presidency.gov.so

IB0A7898

IB0A8052

IB0A8024
IB0A8292

IB0A7227

IB0A6806

IB0A6524

IB0A6968

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts