HomeWararAkhriso;War Murtiyeed Laga Soo saaray Kulankii Soomaaliya iyo Puntland+Sawirro

Akhriso;War Murtiyeed Laga Soo saaray Kulankii Soomaaliya iyo Puntland+Sawirro

Date:

Related stories

President Hassan Sheikh Travels to Djibouti for President Guelleh’s Inauguration

Somali President Hassan Sheikh Mohamud arrived in Djibouti on...

Somalia Faces 40% Drop in Imports and Rising Inflation, Cabinet Responds

Somalia’s federal cabinet today approved new security regulations and...

Soomaaliya iyo Burkina Faso oo iska kaashanaya amniga

Fartaag oo Burkina Faso kula wadatay argagixisada Ouagadougou, – Wasiirka Amniga...

Somalia’s Office of Attorney General Presses Charges on Saadiya Bajaj

The Office of the Attorney General of Somalia announced...

Deni oo tababar hubka culus u furay dagaalka Argagixisada

Puntland: Madaxweyne Deni oo tababar hubka culus iyo hoggaaminta u furay duufacdii 6-aad ee PMPF. “Waxaan kalsooni qabaa in ay difaaci doonaan dadka.” Akhri maqaalka

Dowladda Federaalka iyo Puntland Qoddobadan ayay ku heshiiyen:-

  1. Fulinta iyo hirgalinta heshiisyadii horey loo galay

Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladda goboleedka Puntland waxay isku afgarteen dardar-galinta dhammaan heshiisyadii ay horay u gaareen labada dhinac , oo uu ugu danbeeyay heshiiskii ay wada galeen labada dhinac 14kii October ee sanadkii 2014. Si arrintaasi loo gaaro waxaa la magacaabay guddi isku-dhaf ah oo ka shaqeeya hirgelinta heshiisyadaas,waxaana la soo dhoweeyey wixii ka qabsoomay heshiisyadii la galay.

  1. Shuruucda ay DFS soo saarto iyo samaynta guddiyadda heer qaran 

Waxaa la isku raacay in dawladaha xubnaha ka ah Dawladda Federaalka Soomaaliya lagala tashado xeerarka uu ansixiyo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo dhismaha guddiyada madaxa bannaan ee heer qaran, sida uu qabo Dastuurka Federaalka, Qodobkiisa 111aad, Farqaddiisa 2aad.

  1. Dhismaha dawladaha xubnaha ka ah Dawladda Federaalka Soomaaliya
  • Dhismaha dawladaha xubnaha ka noqonaya Dawladda Federaalka Soomaaliya waxaa loo marayaa si waafaqsan Dastuurka Federaalka Soomaaliya.
  1. U diyaar garowga iyo qabashada madasha wadatashiga madaxda sare ee DFS iyo dawladaha xubnaha ka ah.
  • Sidii lagu heshiiyey shir-madaxeedkii ka dhacay Muqdisho 6dii Febraayo 2015, waxaa lagu qaban doona kulanka madasha wadatashiga madaxda sare magaalada Garoowe bisha Abriil 2015, waxaana la isla gartay in guddiyadii farsamo ee horey la iskugu waafaqay ay soo dhamaystiraan taabbagalinta hawlaha madasha heer qaran.
  1. Dhismaha ciidan qaran oo ummadda u dhexeeya
  • Si loo dhiso ciidan qaran oo  leh sumad qaran waxaa laysku afgartay in sadex kun (3000), oo askari loo qoondeeyey Dawladda Puntland.
  1. Doorka Puntland ee Wadahadalada Dawladda Federaalka iyo Maamulka Somaliland
  • Waxaa lasoo dhaweeyay sida Dawladda Soomaaliya ay u maamulayso wadahadalka lagula jiro Somaliland iyo mowqifka ay iska taagtay wadahadaladii ugu danbeeyey.

7.Is-kaashiga hay’adaha dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladda goboleedka Puntland.

  • Labada dhinac waxay ku heshiiyeen inay si toos ah iskaashi iyo wadashaqayn buuxda u yeeshaan wasaaradaha labada dhinac sida:

ü  Arrimaha dastuurka

ü  Qaybsiga deeqaha caalamka iyo waxbarashada

ü  Iskaashiga  qorshaha qaranka

ü  Siyaasadda Isgaadhsiinta qaranka.

IMG_6430IMG_6431IMG_6433IMG_6435IMG_6436IMG_6438IMG_6439IMG_6443IMG_6444IMG_6447IMG_6450IMG_6454

 

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories