HomeWararWarsaxaafadeed: Shiinaha oo Soomaaliya Ka fulinaya Mashaariic Horumarineed

Warsaxaafadeed: Shiinaha oo Soomaaliya Ka fulinaya Mashaariic Horumarineed

Date:

Related stories

National Communications Authority Participates in ITU Global Symposium for Regulators (GSR-26) in Ankara

The annual global forum brings together heads of regulatory authorities, policymakers, industry leaders, and digital stakeholders from around the world to exchange knowledge and discuss emerging regulatory trends shaping the future of digital transformation. This year's symposium is held under the theme "Navigating the Digital Frontier," focusing on regulatory pathways towards a resilient and inclusive digital future.

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Mogadishu, 11 April 2015 – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska, Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Mareye) ayaa maanta kulan la qaatay Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Mr Wei Hongtian, oo ay ka wada hadleen sii xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii loo horumarin lahaa warbaahinta Soomaaliya oo ay ku jirto warbaahinta gaarka loo leeyahay iyo tan Dowladda. Wasiirka waxaa ku wehliyey kulanka Agaasimaha Guud ee Wasaarada Mudane Cabdirisaaq Bahlaawi iyo mas’uuliyiin kale.

Wasiir Maareeye ayaa yiri “Shiinaha waxey diyaar u yihiin inay mashaariic horumarineed Soomaaliya ka fuliyaan.”

Wasiir Maareeye ayaa warbixin kooban ka siiyey Safiirka xaalada guud ee Soomaaliya iyo horumarka dowladda ay maalin walba ku talaabsaneyso. Sidoo kale Wasiir Maareeye ayaa Safiirka siiyey horumarka qorsheyaasha wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska oo ay ka mid tahay in la diyaariyey Istraatejiyada Warbaahinta dalka, barnaamijka xoojinta xiriirka hay’adaha dhexdooda iyo caalamka, dib u howlgelinta SONNA, iyo tayeynta barnaamijyada SNTV iyo Radiyo Muqdisho. Wasiirka ayaa ka codsaday Safiirka muhiimada uu Tiyaatarka Qaranka u leeyahay wacyigelinta bulshada, kana codsaday in la dedejiyo dayactirka Tiyaatarka.

Safiirka Shiinaha ayaa soo dhoweeyey waxqabadka Dowladda iyo horumarka joogtada ah. Safiirka ayaa ballanqaaday inay Shiinaha ka go’antahay sidii Soomaaliya dib u dhiskeeda ay kaalin muuqata uga qaadan lahaayeen, isla markaasna sheegey inay qorshaha ugu jirto dayactirka xarumihii ay Shiinaha horey u dhiseen sida Tiyaatarka, Muqdisho Istaadiyam, Isbitaalka Banadir iyo goobo kale oo muhiim ah. Safiirka Shiinaha ayaa heshiis la saxiixday Wasiirka Arrimaha Dibedda & Maalgeshiga oo ay Shiinaha ugu deeqeen Soomaaliya lacag gaareysey 13 Milyan oo Dollar ah.

Wasiir Maareeye ayaa uga mahadceliyey Safiirka Shiinaha dadaalkiisa ku wajahan taageerada Soomaaliya iyo inuu Safiiradii Shiinaha ka furay Muqdisho oo ay shaqeyneyso.

DHAMAAD
Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska, media@moi.gov.so

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories