HomeWararIlaaladda Xeebaha Talyaaniga oo badbaadiyey ku-dhawaad kun Tahriibayaal Afrikaan ah

Ilaaladda Xeebaha Talyaaniga oo badbaadiyey ku-dhawaad kun Tahriibayaal Afrikaan ah

Date:

Related stories

National Communications Authority Participates in ITU Global Symposium for Regulators (GSR-26) in Ankara

The annual global forum brings together heads of regulatory authorities, policymakers, industry leaders, and digital stakeholders from around the world to exchange knowledge and discuss emerging regulatory trends shaping the future of digital transformation. This year's symposium is held under the theme "Navigating the Digital Frontier," focusing on regulatory pathways towards a resilient and inclusive digital future.

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Maraaakiibta Ilaaladda Xeebaha Talyaaniga iyo kuwa Ganacsiga ayaa la sheegay inay 24-kii saacadood ee  la soo dhaafay soo badbaadiyeen Ku-dhawaad Kun Tahriibayaal oo la socotay saddex dooni oo aad loo buux dhaafshay.

Hadal ka soo baxay Ilaaladda Xeebaha Talyaaniga ayaa lagu sheegay inay Tahriibayaasha u soo direen Qeylo-dhaan iyagoo adeegsanaya Telefoonadda Toraayaha, waxayna codsadeen in lo osoo gurmado.

Tahriibayaasha ayaa la soo badbaadiyey, waxaana si nabad ah loo gaarsiiyey Dekedda Sishiliya.

Maydka hal qof ayaa laga helay mid ka mid ah doonyahaasi oo ka soo shiraacday Xeebaha dalka Yemen.

Hawlgalka shalay lagu soo badbaadiyey  Qaxootigaas waxaa ka qeyb galay saddex maraakiibta dagaalka ee Talyaaniga iyo saddex maraakiibta Ganacsiga.

Gurmadka ayaa waxa uu ka dhacay meel 30-mayl ka baxsan Xeebaha dalka Libya.

Toddobaadkii la soo dhaafay, ku-dhawaad 1,500 oo Tahriibayaal ah oo la socday shan dooni ayey Ilaaladda Xeebaha Talyaaniga soo badbaadiyeen.

Ugu yaraan 480 Tahriiobayaal ayaa ku geeriyootay Badda ka baxsan Talyaaniga saddexdii bilood ee la soo dhaafay.

Dhinaca kale, ku-dhawaad 3,500 oo Tahriibayaal ayaa la sheegay inay sannadkii hore ku hafteen Badda, iyadoo in ka badan 170-kun oo kalena ay si nabad ah ku soo gaareen Xeebaha Talyaaniga.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories