HomeWararGolaha Wasiirada oo ansixiyay liiska Horjoogayaasha Al-shabaab ee madaxooda lacagaha la dul...

Golaha Wasiirada oo ansixiyay liiska Horjoogayaasha Al-shabaab ee madaxooda lacagaha la dul dhigay

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Golaha Wasiirada oo ansixiyay liiska Horjoogayaasha Al-shabaab ee madaxooda lacagaha la dul dhigay Muqdisho, Aprili 9, 2015….Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kulan-koodii caadiga ahaa oo uu shir gudoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke. Shirka ayaa maanta diiradda lagu saaray Amniga guud ee dalka, xaaladaha dadka Soomaaliyeed […]

Page1

- Advertisement -

Golaha Wasiirada oo ansixiyay liiska Horjoogayaasha Al-shabaab ee madaxooda lacagaha la dul dhigay

Muqdisho, Aprili 9, 2015….Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kulan-koodii caadiga ahaa oo uu shir gudoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke. Shirka ayaa maanta diiradda lagu saaray Amniga guud ee dalka, xaaladaha dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalalka Yaman iyo Kenya, waxana ay Xukuumaddu madaxooda dul-dhigtay lacago hoggaanka ugu sareeyo Kooxda Al-shabaab.

- Advertisement -

Ugu horeyn. Golaha Wasiirada ayaa ka dooday liis ay ku qoran yihiin 11 horjooge oo ka tirsan Ururka Al-shabaab, waxana golaha wasiiradu ansixiyeen lacago lagu abaal marinayo cidii keenta macluumaad ku aadan halka ay ku sugan yihiin hogaamiyeyaasha sar sare ee ururka Al-shabaab. Ragga ay dowladda Soomaaliya lacagta ku raadinayso waxaa ku jira hogaamiyaha guud ee Al-shabaab Axmed Diiriye oo Shabaab dhexdooda looga yaqaan Abu Cubayda, kaas oo madaxiisa la dul dhigay $250,000.

Sidoo kale waxaa abaalmarin lacageed oo gaaraysa $150,000 ilaa $100,000 qofkiiba la dul saaray madaxda kale ee Al-shabaab sida; Mahad Warsame Qalay (Mahad karate), Cali Maxamed Raage (Sh. Cali dheere), C/laahi Cabdi (Da’ud Suheyb), Maxamed Maxamuud Nuur (Suldan), Cali Maxamed Xuseen (Cali Jeesto), Xasan Maxamed Cali (Afgooye), C/laahi Cismaan (Ismaaciil), Maxamed Cabdi Muuse (Haabiil), Maxamed Maxamuud (Dul-yadeyn Kunno), Yaasiin Cismaan (Kilwa) waxaa abaalmarintan qaadan doona cid walba oo sheegta meesha ay joogaan raggan ama suuragalisa in gacanta lagu dhigo.

Dhanka kale, Golaha Wasiirada ayaa ka dooday xayiraada ay dowladda Kenya kusoo soo rogtay Xisaabaadka Shaqsiyaad ay ku jiraan dad Soomaaliyeed iyo Xawaaladaha qaar ee ay adeegsadaan Soomaalidu, waxana Golaha Wasiiradu ay sheegeen in dalka Kenya uu joogo Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Mudane C/salam Cumar Hadliye, kaas oo Kenya kala xaajoonaya arrimaha taagan.

- Advertisement -

Ugu danbeyn, Golaha Wasiirada ayaa sheegay in guddi loo xil-saaray samatabixinta dadka Soomaaliyeed ee ku dhiban dalka Yaman, iyadoo Dowladda Soomaaliya ay u dirtay dalka Yaman Markab ka qeyb qaata daad gureynta dadka Soomaaliyeed ee doonaya in ay dalkooda dib ugu soo laabtaan si ay uga bad-baadaan dagaallada ka soconaya dalkaas.

—DHAMMAAD—-

Halkan kala dag Codka

Fadlan hoos ka akhriso liiska iyo faah-faahintiisa oo dhameystiran

Ahmed-Nur Mohamed
Warbaahinta Xafiiska R.W
Mogadishu-Somalia
Tel: +252-6155-02546
Twitter: @SomaliPM, @axmednuur

List of irreconcilables AS
IMG 0524
IMG 0512
IMG 0505
IMG 0497

IMG 0440

IMG 0433

Latest stories