HomeWararMadaxweynaha oo Ergeyga Qaramada Midoobay kala hadley Hiigsiga 2016

Madaxweynaha oo Ergeyga Qaramada Midoobay kala hadley Hiigsiga 2016

Date:

Related stories

JSP oo Cali Guudlaawe U Doortay Musharraxa Hirshabeelle

Cali Guudlaawe ayaa si rasmi ah loogu aqoonsaday musharraxa Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee doorashada madaxtinimada Hirshabeelle, kaddib go’aan ay xubnaha fulinta xisbiga ku gaareen Muqdisho.

Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo Ku Guuleystay Qiimeynta Waxqabadka

Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo kaalmaha ugu sarreeya ka galay qiimeynta waxqabadka Xukuumadda, laguna guddoonsiiyay abaalmarinno.

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Madaxweynaha oo Ergeyga Qaramada Midoobay kala hadley Hiigsiga 2016  Muqdisho: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabbiley Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya Danjire Nicholas Kay. Madaxweynaha iyo Wakiilka Qaramada Midoobay ayaa ka wada hadley horumarka laga sameeeyay barnaamijiyada hiigsiga 2016, dhameystirka dhismaha maamullada gobollada, […]

- Advertisement -
SOM

- Advertisement -

Madaxweynaha oo Ergeyga Qaramada Midoobay kala hadley Hiigsiga 2016

 Muqdisho: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabbiley Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya Danjire Nicholas Kay.

- Advertisement -

Madaxweynaha iyo Wakiilka Qaramada Midoobay ayaa ka wada hadley horumarka laga sameeeyay barnaamijiyada hiigsiga 2016, dhameystirka dhismaha maamullada gobollada, nabadgelyada, tababarka ciidammada iyo adeegyada kale ee bulshada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale sheegay in horumar weyn laga sameeyey sidii maamul loogu sameyn lahaa gobollada dhexe,iyadoo gobollada dhimanna hawshooda dhowaan la gudageli doono.

Danjire Kay ayaa isna soo dhoweeyay horumarka laga sameeyey dhismaha guddiyada madaxa banaan ee ku hawlan barnaamijyada hiigsiga 2016, isagoo sidoo kale xusey in Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka ay mar walba diyaar u yihiin taageerada Dowladda Federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed.

- Advertisement -

-DHAMMAAD-

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: daweis@presidency.gov.so

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts