HomeWararUganda oo Lagu Xeray Nin Soomaali ah oo Weerar Fulin Rabay

Uganda oo Lagu Xeray Nin Soomaali ah oo Weerar Fulin Rabay

Date:

Related stories

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Cabinet officials brace to relinquish Kenyan passports after presidential ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Israel oo heshiis UN la gashay si loo raro 16,250 oo muhaajiriin ah

Israel oo heshiis UNHCR la gashay si 16,250 muhaajiriin ah loo raro dalalka Galbeedka. Qorshihii soo celinta Afrika waa la baabi'iyay, waxaana la oggolaaday in dadka hadhay ay sii joogaan 5 sano.

Todd Blanche Officially Scraps $1.8B ‘Anti-Weaponization’ Fund

Acting AG Todd Blanche officially rescinds the $1.8B 'anti-weaponization' fund, clearing the path for his confirmation after a standoff with Sens. Cornyn and Tillis.

Blanche Oo Baabi’iyay Sanduuqii $1.8 Bilyan

Agaasimaha Hawlaha ee Wasaaradda Caddaaladda Todd Blanche ayaa si rasmi ah u baabi'iyay sanduuqa $1.8 bilyan,

Boliska Uganda ayaa sheegay  inay gacanta ku dhigeen Nin asalkiisu yahay Somali, kaasi oo lagu tuhunsan yahay inuu ka tirsan yahay Alshabaab, isla markaana uu qorsheynayey inu weeraro ka geysto Uganda. Wargeyska Malainlaha ee The Monitor ee ka soo baxa Kampala, ayaa waxa uu maanta qoray in Ninka Soomaaliga ee la xiray oo Deggaan ahaan […]

- Advertisement -

Boliska Uganda ayaa sheegay  inay gacanta ku dhigeen Nin asalkiisu yahay Somali, kaasi oo lagu tuhunsan yahay inuu ka tirsan yahay Alshabaab, isla markaana uu qorsheynayey inu weeraro ka geysto Uganda.

Wargeyska Malainlaha ee The Monitor ee ka soo baxa Kampala, ayaa waxa uu maanta qoray in Ninka Soomaaliga ee la xiray oo Deggaan ahaan deggaan Kenya la xiray, kadib, markii ay Ardayda ku wargeliyeen Boliska inuu ninkaasi qorsheynayo inuu weeraro ka geysto Hotel ay Ardaydu deggan yihiin oo lagu magacaabo Ark Hostel oo ku yaalla Deegaanka Wandegeya ee magaalladda Kampala.

- Advertisement -

Afhayeenka Boliska Uganda, Fred Enanga ayaa u sheegay Wargeyska The Monitor in Ninkaasi la xiray, kadib, markii uu sawiro ka qaatay Dhismaha Hoteelka.

Afhayeenka waxa uu intaasi ku daray in Eedeysanaha lagu qabtay sawirro badan oo isugu jiray kuwo uu ka qaaday Hotelka  Ark Hostel iyo sawirka Madaxa qof Bani’aadan ah.

Eedeysanaha la xiray ayaa la sheegay inuu ahaa Ganacsade barafuunadda  iyo saacadaha qaaliga ku iibin jirey agagaarka Hotelka Ark Hostel.

- Advertisement -

Jimcihii la soo dhaafay, Boliska Uganda waxay soo saareen digniin ku aadan weeraro cusub oo ka dhaca Uganda, kaasi oo la mid ah weerarkii Alshabaab ka geysteen Jamaacadda Garissa ee W/bari ee dalka Kenya.

Boliska Uganda waxay ka digeen inay Alshabaab qorsheynayaan weerar ay ka geystaan Xaruumaha Waxbarashadda ee Uganda.

Latest stories