HomeWararMadaxweynaha oo Midowga Afrika u sheegay in Soomaaliya ay ka go’an tahay...

Madaxweynaha oo Midowga Afrika u sheegay in Soomaaliya ay ka go’an tahay xaqiijinta Hiigsiga 2016

Date:

Related stories

National Communications Authority Participates in ITU Global Symposium for Regulators (GSR-26) in Ankara

The annual global forum brings together heads of regulatory authorities, policymakers, industry leaders, and digital stakeholders from around the world to exchange knowledge and discuss emerging regulatory trends shaping the future of digital transformation. This year's symposium is held under the theme "Navigating the Digital Frontier," focusing on regulatory pathways towards a resilient and inclusive digital future.

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, xafiiskiisa ku qaabbiley Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Maman Sidikou.

Madaxweynaha iyo wakiilka ayaa ka wadahadley xaaladda siyaasadda Soomaaliya, gaar ahaan dardargelinta barnaamijyda Hiigsiga 2016, iyo dib u heshiisiinta , hawlgallada ka dhanka ah Al Shabaab iyo arrimo kale.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay dowladda, baarlamanka , qeybaha kala duwan ee bulshada ay ku guda jiraan hawlo kala duwan oo la doonayo in lagu xaqiijiyo Hiigsiga 2016 ka, isagoo intaa raaciyey in rajada la qabo ay tahay in sannadka dambe ay qeybo ballaaran oo bulshada ka mid ah ay cod ku yeeshaan go’aaminta mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.

Danjire Sidikou ayaa isna soo dhoweeyay horumarka siyaasadeed ee Soomaaliya ku tallaabsatey, isagoo dhanka kalena ka hadley doorka AMISOM ee hawlaha nabad ilaalinta, taageerada ciidammada Soomaaliya iyo in beesha caalamka ay gacan buuxda ka geysato dib u dhiska Soomaaliya.

 

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories