HomeWararDanjire Afey oo Beesha Caalamka Ugu Baaqay In Kenya Laga Taageero Dagaalka...

Danjire Afey oo Beesha Caalamka Ugu Baaqay In Kenya Laga Taageero Dagaalka Al Shabab

Date:

Related stories

Soomaaliya oo taariikhdii ugu horeysay ka qayb gashay shirka ITF

Soomaaliya oo taariikhda ku qortay markii ugu horreysay ka qaybgalka Shirka ITF ee Jarmalka. Agaasimaha Guud Cumar Afrax: “Madasha ayaa na ku casuuntay xubin buuxda.”

Caleemo-saarka Jabuuti: Xasan Sheekh oo xoojiyay xiriirka gobolka

Xasan Sheekh oo ka qayb galay caleemo-saarka Jabuuti Jabuuti, 10...

EU iyo Soomaaliya oo xoojisay iskaashigooda istiraatiijiga

EU iyo Soomaaliya oo adkeeyay iskaashiga istiraatiijiga

Koonfur Galbeed oo si weyn u qabatay doorashadii Qof iyo Cod

Koonfur Galbeed oo si weyn u qabatay doorashadii Qof iyo Cod

President Hassan Sheikh Travels to Djibouti for President Guelleh’s Inauguration

Somali President Hassan Sheikh Mohamud arrived in Djibouti on...

Ergayga Dowladda Kenya uga wakiilka ah Urur-gobaleedka IGAD, Ambassador Mohamed Abdi Afey ayaa sheegay in weerarkii Alshabaab dhawaan ka geysteen Jamaacadda Gariisa astaan u tahay weeraradda baahayo ee ay Alshabaab ka geystaan dalalka Geeska Afrika.

Isagoo la hadlayey Wargeyska The Standard waxa uu intaasi ku daray inay ka rajeynayaan Beesha Calaamka inay Dowladda Kenya taageero ka siiyaan Dagaalka Alshabaab.

“Dilkii 148-kii qof ee ku geeriyootay weerarkii Jamaacadda Garissa, waxay abuuri doontaa inay Beesha Caalamka ku dhaqaajin doonto inay la dagaalamaan Alshabaab” ayuu yiri Ambassador Mohamed Abdi Afey.

Waxa uu intaasi ku daray in loo baahan yahay inay Dowladaha Caalamka kordhiyaan Taageeradda ay siiyaan

Dowladaha dagaalka kula jira Alshabaab, waa sida uu hadalka u yiri.

Ergayga Dowladda Kenya uga wakiilka ah Urur-gobaleedka IGAD, Ambassador Mohamed Abdi Afey waxa uu sheegay inaan Ciiddanka Kenya laga soo saari doonin gudaha dalka Somalia.

“Waxaan ku dhex jirnaa xaallad dagaal. Ciiddankeenna waxay ku sugan yihiin gudaha Somalia, iyagoo safka hore kaga jira dagaalka, lagamana soo saarayo Somalia” ayuu yiri Ergaygaas, oo intaasi ku daray inay Ciiddanka Kenya u baahan yihiin taageero badan, si ay u wiiqaan Dagaalamayaasha Alshabaab.

Dhinaca kale, Ururka Alshabaab ayaa kordhiyey weeraradda ka dhanka ah Kenya, iyagoo ugu baaqay Dowladda Kenya inay Ciiddankooda kala baxaan Somalia.

 

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories