HomeWararAabaha dhalay mid ka mid ah Dagaalamayaashii Alshabaab ee weerartay Jamaacadda Garissa...

Aabaha dhalay mid ka mid ah Dagaalamayaashii Alshabaab ee weerartay Jamaacadda Garissa oo u baqanaya noloshiisa

Date:

Related stories

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Wasiir Xoosh oo booqday matxafka Qaranka ee ciidanka Algeria

Wasiir Xoosh oo booqday Matxafka Qaranka ee Algeria. Wuxuu xusay halgankii gobannimo-doonka iyo muhiimadda iskaashiga labada dal.

Digniin culus: Farmaajo oo Mareykanka kula Wadaagay khilaafka doorashada

Farmaajo oo kulan la qaatay diblomaasiyiinta Mareykanka, kuna digay doorasho hal dhinac ah. “Mucaaradku ma aqbali doono,

Somalia Trains First Government Cybersecurity Cohort

The National Communications Authority (NCA) has completed its first...

Nin la sheegay inuu wiilkiisa ka mid ahaa afartii dagaalyahan ee ka tirsanaa Alshabaab ee weerartay Jamaacadda Garisa ayaa la sheegay inuu dhuiumalaysi galay, isagoo ka baqanaya in la dilo.

Caaqil C/llaahi Maxamed Daqare oo ah aabaha dhalay C/raxiim C/llaahi Mohamed Daqare ayaa la sheegay inay Hay’addaha Ammaanka kula taliyeen inuusan la hadlin Warbaahinta.

Wargeyska The Star ayaa maanta qoray in  Caaqil C/llaahi Mohamed Daqare oo ah Guddoomiyaha Deegaanka Buulo Jamhuuriya ee magaalladda Mandheera uu shalay ka caraabay Hotelka ama Loojka Alxamuudi ee  ku yaalla waddada 12thStreet ee Xaafadda Islii ee magaalladda Nairobi.

Wargeyska waxa uu qoray inaan la ogeyn halka uu u baqoolay, iyadoo uu Mobaylkiisa hawada ka maqan yahay.

Mid ka mid ah Saaxiibadda Caaqil Daqare oo la hadlay Wargeyska The Star ayaa sheegay inuu dhuumaalaysi galay, si aysan ula kulmin Saxaafadda iyo inaysan noloshiisa khatar gelin.

Dhinaca kale, qoyska Caaqil C/llaahi Maxamed Daqare oo ku sugan magaalladda Mandhera ayaa la sheegay inay ku nool yihiin cabsi, kana baqanayaan inay dhibaato kala kulmaan ciiddanka Ammaanka iyo kooxaha kale.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories