HomeWararMucaaradka Kenya oo mar kale ku baaqay in Ciiddanka KDF laga soo...

Mucaaradka Kenya oo mar kale ku baaqay in Ciiddanka KDF laga soo saaro Soomaaliya

Date:

Related stories

Deni Faces Criticism Over Somaliland Secession Push

Somalia’s Interior Minister Ali Yusuf Ali (Xoosh) on Tuesday...

Somalia nears completion of new Danab base amid anti-Al-Shabaab push

Somalia’s military says a new base for the elite...

Dowladda Federaalka oo Farriin Adag ka Dirtay Midnimada Soomaaliya

Dowladda Federaalka oo Farriin Adag ka Dirtay Midnimada Soomaaliya Muqdisho...

Bayaan ka Soo Baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Bayaan ka Soo Baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya. Muqdisho | 18...

Cabinet clears reform agenda ahead of planned elections

Somalia’s cabinet has endorsed a new roadmap to implement...

Hoggaamiyayaasha Mucaaradka ayaa ugu baaqay Madaxweyne Uhuru Kenyatta inuu qaado tallaabo kasta oo lagu sugayo ammaanka Kenya.

Madaxda Isbahaysiga CORD, Raila Odinga iyo Moses Wetangula ayaa tilmaamay inay Dowladda dib-u-eegto Istarataatijyadda Dagaalka ka dhanka ah Kooxaha loogu yeero Argagixisada

Raila Oding waxa uu si kulul ugu eedeeyeey Madaxweyne Uhuru inuu dhayalsaday digniinihii dalalka shisheeyaha ee ahaa inay weeraro ka dhici doonaan gudaha Kenya.

Waxa kaloo uu ku baaqay in Ciiddanka Kenya laga saaro Somalia, iyadoo cashar laga qaadanayo go’aanadii ay Maraykanka ciiddamadooda ugala soo baxeen Somalia, Iraq iyo Afganistan iyo dalalka kale ee ay colaadaha ka jiraan, si ay u badbaadiyaan Muwaadiniintooda.

Hoggaamiyaha kale ee mucaaradka, Moses Wetangula ayaa ku baaqay in  Miisaaniyadda Ciiddanka KDF laga jaro 50%, isla markaana dhaqaalahaasi loo wareejiyo xoojinta ammaanka gudaha.

Ciiddanka Kenya (KDF) waxay gudaha Somalia galeen bishii October ee sannadkii 2011-kii, si ay ula dagaalamaan Xarakadda Alshabaab oo weeraro ka geystay Jesiiradda loo dalxiis tago ee Laamu, kuna dhow xuduudka Somalia.

 

Dhinaca kale, Agaasime Sare oo ka tirsan Aqalka Dowladda Kenya, Munyoori Buuku  waxa uu ku eedeeyey Raila Odinga iyo Moses Wetangula inay noqdeen Afhayeenadda Argagixisadda, waa sida uu hadalka u yiri.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories