HomeWararHaweeney Somali-British lagu naanayso Maama Shabaab oo xubin sare ka ah Madaxda...

Haweeney Somali-British lagu naanayso Maama Shabaab oo xubin sare ka ah Madaxda Alshabaab

Date:

Related stories

Somalia Trains First Government Cybersecurity Cohort

The National Communications Authority (NCA) has completed its first...

Golaha Shacabka oo dhaariyey Wasiirka Warfaafinta cusub

Soomaaliya: Golaha Shacabka oo dhaariyey Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdifitaax Qaasim.

HIQ oo xiray tababarkii shahaadooyinka amniga saaybarka

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo soo gebagebeysay tababarkii shahaadooyinka amniga saaybarka.

Soomaaliya oo taariikhdii ugu horeysay ka qayb gashay shirka ITF

Soomaaliya oo taariikhda ku qortay markii ugu horreysay ka qaybgalka Shirka ITF ee Jarmalka. Agaasimaha Guud Cumar Afrax: “Madasha ayaa na ku casuuntay xubin buuxda.”

Caleemo-saarka Jabuuti: Xasan Sheekh oo xoojiyay xiriirka gobolka

Xasan Sheekh oo ka qayb galay caleemo-saarka Jabuuti Jabuuti, 10...

Boliska dalka Britain ayaa shaaciyey inay hayaan xog muujinaysa in Haweeney Somali-British ah oo lagu magacaabo Faadumo Jaamac ka mid tahay Madaxda Sare ee Xarakadda Alshabaab.

Amal Farah oo ah gabar ay dhashay Haweeneyda la sheegay inay ku biirtay Alshabaab ayaa sheegtay inay aad u naxday  markii loo sheegay iney Hooyadeed ka mid tahay Madaxda Sare ee Alshabaab, laguna naanayso Maama Alshabaab.

“Nin iyo haweeney ka tirsan Waaxda La-dagaalanka Argagixisadda ayaa soo garaacay albaabka gurigayga, si ay iigu sheegaan inay hooyadeyda xubin sare ka noqotay Alshabaab” ayey Amal Farah ku sheegtay Wareysiga.

Hay’addaha Ammaanka ee Britain, waxay sheegeen inay Faadumo Jaamac oo 34 jir ah ay  u ambabaxday Somalia sannadkii 2012-kii, kuna biirtay  Alshabaab oo ay ka taageerto qorista Jihafistayaasha ka yimaada  dalalka Reer GalbeedKa.

Amal Farah, waxay kaloo tilmaamtay  inay muddo dhowr maalmood ooynaysay, kadib, markii loo sheegay inay Hooyadeeda ku biirtay Alshabab, laguna naanayso Maama Shabaab.

“Waxaan ka cabsanayaa inaan maalin uun Telefishinka ka daawado hooyadey ama albaabka la ii soo garaaco, si la iigu sheego inay Hooyadey geeriyootay” ayey Amal Farah ku sheegtay Wareysigaasi, oo iyadu snnadkii 2010-kii guursatay Nin Yuhuudi ah oo ay u dhashay labo carruur ah.

Dhinaca kale, Wargeyska Daily Mail oo ka soo baxa London ayaa qoray in  Faadumo Jaamac oo lagu naanayso Maama Shabaab ay guursatay Hoggaamiye ka tirsan Alshabaab oo aan magaciisa la shaacinin.

 

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories