HomeWararQaar ka mid ah Diblomaasiyiin ka howlgala Safaaradaha Soomaaliya oo Tababar ugu...

Qaar ka mid ah Diblomaasiyiin ka howlgala Safaaradaha Soomaaliya oo Tababar ugu soo idlaaday dalka Turkiga

Date:

Related stories

Deni Faces Criticism Over Somaliland Secession Push

Somalia’s Interior Minister Ali Yusuf Ali (Xoosh) on Tuesday...

Somalia nears completion of new Danab base amid anti-Al-Shabaab push

Somalia’s military says a new base for the elite...

Dowladda Federaalka oo Farriin Adag ka Dirtay Midnimada Soomaaliya

Dowladda Federaalka oo Farriin Adag ka Dirtay Midnimada Soomaaliya Muqdisho...

Bayaan ka Soo Baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Bayaan ka Soo Baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya. Muqdisho | 18...

Cabinet clears reform agenda ahead of planned elections

Somalia’s cabinet has endorsed a new roadmap to implement...
LOGO

Qaar ka mid ah Diblomaasiyiin ka howlgala Safaaradaha Soomaaliya oo Tababar ugu soo idlaaday dalka Turkiga .

Safaaradda JFS ee Ankara , Turkey

Isniin, March 30, 2015

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kordhisay sanadkan tababaridda diblomaasiyiinteeda , taasoo qeyb ka ah sare u qaadida heerkooda aqoonta iyo tayeynta , waxaana maanta tababar loogu soo gaba-gabeeyay Magaalada Ankara ee Caasimadda Turkey illaa iyo 5 diblomaasi oo ka howlgala qaar ka mid ah Safaaradaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay ku leedahay dunida daafaheeda.

Diblomaasiyiintani Soomaalida ah ayaa ku tababartay Akadeemiyadda diblomaasiyadda ee Wasaararadda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Turkey.

Diblomaasiyiintaasi oo soo dhoweyn kala kulmay Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Ankara , Turkey Ambassador Mohamed Mursal Sheikh Abdirahman ayaa waxa ay booqasho ku kala tageen goobaha Taariikhiga ah ee ku yaala dalkaasi .

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya , ayaa waxaa u qorsheysan Sanadkan inay horumariso diblomaasiyiinta Soomaaliya oo heerar kala duwan leh , iyadoo lala kaashanayo dowlado iyo Ururo Caalami ah .unnamedunnamed (2)unnamed (1)

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories