HomeWararWar Jiraa Dhuusa-ma-reeb ayuu ka iman doonaa

War Jiraa Dhuusa-ma-reeb ayuu ka iman doonaa

Date:

Related stories

JSP oo Cali Guudlaawe U Doortay Musharraxa Hirshabeelle

Cali Guudlaawe ayaa si rasmi ah loogu aqoonsaday musharraxa Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee doorashada madaxtinimada Hirshabeelle, kaddib go’aan ay xubnaha fulinta xisbiga ku gaareen Muqdisho.

Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo Ku Guuleystay Qiimeynta Waxqabadka

Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo kaalmaha ugu sarreeya ka galay qiimeynta waxqabadka Xukuumadda, laguna guddoonsiiyay abaalmarinno.

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Xujo-siyaasadded, Waqti-lumis iyo Tijaabo Awoodeed ayey Guddiga Odayaasha ee ku shirsan Dhuusa-ma-reeb kaga hor-yimaadeen Qorshaha Dowladda Federalka ee Qabsoooomidda Shirweynaha lagu doonayo in lagu soo dhiso Maamul-gobaleedka Bartamaha Somalia. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wax uu saddexdii maalmood ee la soo dhaafay socdaal hawleed ku joogay Dhuusa-ma-reeb, isagoo  Kulamo xiriir ah la leh Odayaasha Dhaqanka ee […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Xujo-siyaasadded, Waqti-lumis iyo Tijaabo Awoodeed ayey Guddiga Odayaasha ee ku shirsan Dhuusa-ma-reeb kaga hor-yimaadeen Qorshaha Dowladda Federalka ee Qabsoooomidda Shirweynaha lagu doonayo in lagu soo dhiso Maamul-gobaleedka Bartamaha Somalia.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wax uu saddexdii maalmood ee la soo dhaafay socdaal hawleed ku joogay Dhuusa-ma-reeb, isagoo  Kulamo xiriir ah la leh Odayaasha Dhaqanka ee ka qeyb galay Shirkii Dib-u-heshiisiinta Beelaha ku wada nool Goballadda Dhexe.

- Advertisement -

Madaxweynaha Qaranka,  oo Kulamo Furan la yeeshay Odayaasha, waxa uu si saraaxad leh kaga dhegeystay Aragtida ay ku go’aansadeen in Shirka lagu dhisayo Maamul-gobaleedka Bartamaha Somalia lagu qabto magaalladda Dhuusa-ma-reeb, inkastoo go’aanka Odayaashaasi baal-marayo Go’aankii ay Dowladda Federalka horey ugu iclaamisay in magaalladda Cadaado lagu qaban doono Shirka Maamulka Bartamaha Somalia.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inaysan Odayaasha awood u lahayn inay iclaamiyaan Xilliga iyo Madasha lagu qabanayo Shirkaasi, balse ay Odayaasha doonayaan inay tijaabiyaan Awoodda Dowladda Dhexe iyo in lala fahmo go’aankooda oo u muuqda mid lagu hoosaasinayo qoddobo kale oo ay ugu muhiimsan tahay inay ku galaan Gorgortan  Marjaceed ee Dhismaha Maamul-gobaleedka Goballadda dhexe, Xulashadda Xubnaha Golayaasha Maamulka Cusub iyo inay Dowladda Dhexe kula gorgortamaan, si loo  siiyo Abaalmarin dufan leh.

Waa hubaal inay  Odayaashaasi muujiyaan debecsanaan, Xushmeeyaan Madaxda Qaranka, isla markaana aysan  qulub gelinin Taabagelinta Dhismaha Maamul-gobaleedka Bartamaha Somalia.

- Advertisement -

Si kastaba ha ahatee, Ismarin-waaga ay wadaan Guddiga Odayaasha  ayaan la ogeyn halka uu ku awr-furan doono, waxayna xaalladdu maraysaa War-jiraa Cakaaruu imaan.

DHAMAAD

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts