HomeWararDowladda Ireland oo Markab dagaal u soo diraysa Xeebaha dalka Soomaaliya

Dowladda Ireland oo Markab dagaal u soo diraysa Xeebaha dalka Soomaaliya

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Taliyaha Ciiddanka Badda ee dalka Irland, Hugh Tully ayaa Xaqiijiyay inay Markab dagaal ku soo biirin doonaan Hawlgalka Ciiddanka Badda Midowga Europe “EU” ee La-dagaalanka Burcad-baddeeda ka qowleysata Baddaha Somalia. Taliyaha oo Wareysi siiyey Wargeyska The Irish Examiner ayaa rajo buuxda ka bixiyey in Xukuumadda Ireland oggolaan doonto in Khadka Cagaaran la shido, si ay Mariniska […]

- Advertisement -

Taliyaha Ciiddanka Badda ee dalka Irland, Hugh Tully ayaa Xaqiijiyay inay Markab dagaal ku soo biirin doonaan Hawlgalka Ciiddanka Badda Midowga Europe “EU” ee La-dagaalanka Burcad-baddeeda ka qowleysata Baddaha Somalia.

Taliyaha oo Wareysi siiyey Wargeyska The Irish Examiner ayaa rajo buuxda ka bixiyey in Xukuumadda Ireland oggolaan doonto in Khadka Cagaaran la shido, si ay Mariniska ugu biiraan Hawlgalka La-dagaalanka Burcad-baddeeda ka qowleysata Baddaha Somalia.

- Advertisement -

Taliyaha Ciiddanka Badda ee dalka Irland, Hugh Tully waxa uu xusay inay doonayaan inay kaalin wanaagsan ka qaataan Badbaadinta Maraakiibta Caalamiga ee isticmaala Baddaha Soomaaliya.

‘Waxaan doonaynaa inaan caawino dadka ku macluulsan Soomaaliya, si ay u helaan cunto ay afka gashtaan” ayuu sii raaciyey Taliyahaasi.

Dhinaca kale, Wasiirka Gaashaandhigga ee dalka Ireland, Simon Coveney ayaan la ogeyn inuu Mooshinkaasi u gudbiyo Xukuumadiisa, si ay ugu codeeyaan inay Ciiddanka Badda ku biiraan Hawlgalka EU-da ee La-dagaalanka Burcad-baddeeda ka qowleysata Badda Soomaaliya.

- Advertisement -

Haddii ay Dowladda Ireland u codeyaan Mooshinka, waxay noqon doontaa markii ugu horreysay oo ay Ciiddanka Badda dalka Ireland qeyb ka noqdaan Hawlgalka Mariniska Midowga Europe (EU Navy Forces) ee La-dagaalanka Burcad-badddeeda ka qowleysata Baddaha Soomaaliya.

Hawlgalka Atalanta ee ay Mariniska EU-da ka wadaan Xeebaha dalka Somalia,waxa uu bilowday bishii December ee sannadkii 2008-dii, waxayna kaalin ka qaataan La-dagaalanka Burcad-baddeda iyo gelbinta Maraakiibta shxinadaha gargaarka keena dalka Soomaaliya.

 

Latest stories