HomeWararMuwaadin Soomaaliyeed oo lagu xiray Waqooyiga dalka Uganda

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu xiray Waqooyiga dalka Uganda

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Wakaaladda Wararka ee Pan Africa (APA) ayaa maanta shaacisay inay Boliiska Uganda gacanta lagu dhigay Shabakad ku hawlanayd sidii ay hub iyo lacago Dollar Macmal u soo gelin lahaayeen dalkaasi. Hadal ka soo baxay Ciidanka Ammaanka ee Degmadda Zombo ee Waqooyiga Uganda ayaa lagu sheegay inay shalay gacanta ku dhigeen Muwaadin Soomaali ah iyo mid […]

- Advertisement -

Wakaaladda Wararka ee Pan Africa (APA) ayaa maanta shaacisay inay Boliiska Uganda gacanta lagu dhigay Shabakad ku hawlanayd sidii ay hub iyo lacago Dollar Macmal u soo gelin lahaayeen dalkaasi.
Hadal ka soo baxay Ciidanka Ammaanka ee Degmadda Zombo ee Waqooyiga Uganda ayaa lagu sheegay inay shalay gacanta ku dhigeen Muwaadin Soomaali ah iyo mid u dhashay dalka Koonfurta Sudan, kadib, markii lagu qabtay Hub iyo Lacago Dollar oo been abuur ah.

Hawlgalkaasi waxaa kaloo lagu soo qabtay Lix Ugandhese ah oo uu ku jiray Sarkaal Sare oo ka tirsan Milliteriga Uganda ee UPDF.

- Advertisement -

Qabashadda raggaasi ayaa timid kadib, markii ay dadka Deegaanka ku wargeliyeen Boliiska inay jiraan Rag hub ku haysta Deegaankooda.

Saraakiisha Boliska Uganda ee la hadlay Wakaaladda Wararka ee APA ayaa ka gaabsaday inay faahfaahin dheeraad ah ka bixiyaan Hawlgalka lagu soo qabtay Eedeysanayaashaasi.

Muwaadinka Soomaalida ee lagu qabtay Hawlgalkaasi ayaa la sheegay inuu haystay Warqadaha Aqoonsiga ee Muwadinimadda dalka Uganda.

Latest stories