HomeWararKoox ka tirsan Odayaasha Dhaqanka ee Mandhera oo ku gacan sayray in...

Koox ka tirsan Odayaasha Dhaqanka ee Mandhera oo ku gacan sayray in la bedelo Guddoomiyaha Mandheera

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Wargeyska The Daily Nation ee ka soo baxa magaalladda Nairobi ee dalka Kenya ayaa maanta qoray inay Koox ka tirsan Odayaasha Beelaha Soomaalida Kenya ka soo horjeesteen Hoggaamiyayaasha ku baaqay in xilka laga qaado Taliyaha Ciiddanka Gobalka Mandhera, Alex ole Nkoyo oo lagu eedeeyey inuu wax ka qaban waayey falalka ammaan-xumida ka jirta W/bari Kenya. […]

- Advertisement -

Wargeyska The Daily Nation ee ka soo baxa magaalladda Nairobi ee dalka Kenya ayaa maanta qoray inay Koox ka tirsan Odayaasha Beelaha Soomaalida Kenya ka soo horjeesteen Hoggaamiyayaasha ku baaqay in xilka laga qaado Taliyaha Ciiddanka Gobalka Mandhera, Alex ole Nkoyo oo lagu eedeeyey inuu wax ka qaban waayey falalka ammaan-xumida ka jirta W/bari Kenya.

In ka badan 20-Odayaal Dhaqameed ka soo jeeda Shan Beelood oo ka mid ah Beelaha ugu waa weyn Qabaa’illadda Soomaalida Kenya ayaa sheegay inay ka soo horjeedaan Baaqa xilka looga qaadayo Taliyaha Boliska ee Gobalka Mandhera.

- Advertisement -

Waxayna xuseen inuu baaqaas yahay mid u gaar ah Odayaasha mid ka mid ah Beelaha degga Mandhera oo iyagu dhawaan dhigay Dibedbax ka dhan ah Taliyaha Boliska Gobalka Mandhera, Alex ole Nakoyo.

Dhinaca kale, Odayaasha ka soo horjerestay in xilka laga qaado Taliyahaasi ayaa ugu baaqay Dowladda Dhexe ee Kenya inaan xilka laga qaadin Taliyahasi, balse loo baahan yahay in ciiddamo dheeraad ah lagu soo kordhiyo Ciiddamadda ka hawlgala Mandhera, si loo adkeeyo Ammaanka.

Latest stories