HomeWararFAALLO: Ma laga gudbi doonaa Caqabadaha xagal daacin kara Hiigsiga Cusub...

FAALLO: Ma laga gudbi doonaa Caqabadaha xagal daacin kara Hiigsiga Cusub ee 2016 ?

Date:

Related stories

Muqdisho Oo Shaacisay Natiijada Fasalka 8aad 2025-2026

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay natiijada imtixaanka Fasalka 8aad, iyadoo saddex arday lagu dhawaaqay inay kaalmaha ugu sarreeya galeen, lana guddoonsiiyay abaalmarinno.

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Diiradda Dowladda ee Taabagelinta Hiigsiga Cusub iyo Qabsoomidda Doorashadda Madaxtinimadda ee sannadka soo socda ayaa waxaa la rumeysan yahay inay weli farri ka qodnayn, isla markaana ay dhiman yihiin hawlo badan oo ay adag tahay in la fuliyo ka hor Xilliga lagu wado inay dhacaan Doorashadda Dimuqraadiga ee Xilalka Madaxtinimadda, Guddoomiyaha Barlamaanka iyo Xildhibaanadda Barlamaanka […]

- Advertisement -

Diiradda Dowladda ee Taabagelinta Hiigsiga Cusub iyo Qabsoomidda Doorashadda Madaxtinimadda ee sannadka soo socda ayaa waxaa la rumeysan yahay inay weli farri ka qodnayn, isla markaana ay dhiman yihiin hawlo badan oo ay adag tahay in la fuliyo ka hor Xilliga lagu wado inay dhacaan Doorashadda Dimuqraadiga ee Xilalka Madaxtinimadda, Guddoomiyaha Barlamaanka iyo Xildhibaanadda Barlamaanka Cusub.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inay Dowladda Federalka hor-yaallaan Shaqooyn Adag, si dhabaha loogu xaaro Qabsoomidda iyo Taabagelinta Hawlaha Hiigsiga Cusub ee sannadka soo socda.
Ma kala cadda inay Dowladda Federalka ku guuleysan doonto Taabagelinta Qoddobadda Asaasiga u ah Hiigsiga Cusub ee Qaranka.

- Advertisement -

Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabisan Arrimaha dalka Somalia, Nicholas Kay ayaa humaag siyaasadeed gelinayo dadaalka Dowladda Federalka ee ka mirodhalinta
Mashruucaasi. Wuxuuna Madaxda Dowladda uga digay inaysan Xilli-kordhin kale ku haminin haddii uu Xilli-hawleedkooda dhamaado waqtigooda Madaxtinimadda.

Dareenka Nikolas Kay ayaa abuuray Xasaasiyad ay Madaxda Dowladda ka caroodeen Falsafadiisa Siyaasadeed ee uu ku naqdiyey Xusul-duubka Dowladda ee Hiigsiga Cusub ee sannadka 2016-ka.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inaan la saadaalin karin Taabagalka ama Fashilka Hawlgalladda ku xusan Hiigsiga ee lagu doonayo in Ummadda Soomaaliyeed lagu gaarsiiyo Yoolka Doorashadda Dimuqraadiga ee Halka Qof iyo Halka Cod (One Man and One Vote).

- Advertisement -

Siyaasiyiinta falaanqeeya dadaalka Dowladda ee Najixidda Barnaamijka Hiigsiga Cusub ayaa waxay hoosta ka xariiqaan inay caqabado iyo Isbaaro Siyaasadeed lagala kulmi karo Dhamaystirka Dhismayaasha Maamul-gobaleedyadda, Hawlaha Dib-u-heshiisiinta iyo Taabagelinta Nabadda iyo sidii Nidaamka Federalka loogu baahin lahaa Goballadda iyo Degmooyinka Jamhuuriyadda Somalia oo idil.

Siyaasiyiinta Quyar-socoda ayaa rumeysam inay Dowladda Federalka ku guuleysan doonto sidii dalka looga qabanqaabin lahaa Doorashadda Koowaad ee Nidaamka Qof kasta inuu si xor ah codkiisa ugu doorto Madaxda iyo Golayaasha Qaranka.

Xaqiiq ahaan Dowladda Federalka oo uu xilli badan kaga khasaaray Murankii iyo Loolankii Siyaasadeed ee ka dhex jiray Madaxda Hay’addaha Qaranka ayaa waxaa la dhihi karaa inay yar tahay Fursadaha ay ku meel marin karaan Taabagelinta Yoolka Hiigsiga Cusub ee Siyaasadda, maadaama aysan farri ka qodnayn Dagaalka Alshabaab iyo sidii Walaalaha Somaliland loogu qancin lahaa Qaddiyadda Maamul-gobaleedyadda, Federalka iyo Mdnimadda Muqadaska.

Latest stories