HomeWararDowladda Hindiya oo ka digtay in la weeraro Maraakiibta Ganacsiga ee ku...

Dowladda Hindiya oo ka digtay in la weeraro Maraakiibta Ganacsiga ee ku soo wajahan Xeebaha Hindiya

Date:

Related stories

Muqdisho Oo Shaacisay Natiijada Fasalka 8aad 2025-2026

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay natiijada imtixaanka Fasalka 8aad, iyadoo saddex arday lagu dhawaaqay inay kaalmaha ugu sarreeya galeen, lana guddoonsiiyay abaalmarinno.

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Wasiirka Gaashaandhigga ee dalka Hindiya, Manohar Parrikar ayaa ka dhawaajiyey inay Burcad-baddeeda Soomaalida bilaabeen inay saldhigyo ka dhigtan meel ka baxasan Xeebaha Hindiya. Wasiirka ayaa digniintaasi ka sheegay Shirweyne Caalami ah oo ka dhacay caasimadda Hindiya ee New Delhi, oo looga hadlayey Ammaanka Maraakiibta isticmaasha Badweynta Hindiya. Manohar Parrikar waxa uu tilmaamay inay Burcad-baddeeda Soomaalida […]

- Advertisement -

Wasiirka Gaashaandhigga ee dalka Hindiya, Manohar Parrikar ayaa ka dhawaajiyey inay Burcad-baddeeda Soomaalida bilaabeen inay saldhigyo ka dhigtan meel ka baxasan Xeebaha Hindiya.

Wasiirka ayaa digniintaasi ka sheegay
Shirweyne Caalami ah oo ka dhacay caasimadda Hindiya ee New Delhi, oo looga hadlayey Ammaanka Maraakiibta isticmaasha Badweynta Hindiya.

- Advertisement -

Manohar Parrikar waxa uu tilmaamay inay Burcad-baddeeda Soomaalida haatan u soo ruqaansadeen meel 450 maylis oo ka
baxsan Xeebaha dalka Hindiya.

“Waxaan heegan gelinay Ciiddankeenna, waxaana la soconaa dhaqdhaqaaqooda” ayuu yiri Wasiirka oo qiray inay Burcad-baddeeda khatar weyn ku tahay Hindiya iyo dalalka ku xeerayan Badweynta Hindiya.

Dhinaca kale, Shirweynaha Caalamiga ee Ammaanka Badweynta Hindiya ee lagu soo gebagebeeyey caasimadda dalka Hindiya ayaa waxay Ergooyinka isku raaceen in la dhiso Xarun Gobaleed loogu gurmanayo Maraakiibta khatarta kala kulma Burcad-baddeeda Soomaalida ee ka qowleysata Badweynta Hindiya iyo Gacan-biyoodka Cadmeed.

Latest stories