HomeWararMidowga Yurub iyo UNHABITAT oo sharaxay saamaynta mashruuca SECIL ee Muqdisho

Midowga Yurub iyo UNHABITAT oo sharaxay saamaynta mashruuca SECIL ee Muqdisho

Date:

Related stories

Deni Faces Criticism Over Somaliland Secession Push

Somalia’s Interior Minister Ali Yusuf Ali (Xoosh) on Tuesday...

Somalia nears completion of new Danab base amid anti-Al-Shabaab push

Somalia’s military says a new base for the elite...

Dowladda Federaalka oo Farriin Adag ka Dirtay Midnimada Soomaaliya

Dowladda Federaalka oo Farriin Adag ka Dirtay Midnimada Soomaaliya Muqdisho...

Bayaan ka Soo Baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Bayaan ka Soo Baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya. Muqdisho | 18...

Cabinet clears reform agenda ahead of planned elections

Somalia’s cabinet has endorsed a new roadmap to implement...
Maanta, Midowga Yurub iyo UNHABITAT ayaa soo gebagebeeyey mashruuca SECIL oo abuuray shaqooyin iyo adeegyada hoose ee dadka deegaanka Muqdisho saddexdii sano iyo badhkii la soo dhaafay. Iyada oo lagu bixiyey lacag dhan 3.5 Milyan oo EURO. Midowga Yurub iyo UNHABITAT oo fulinaysay Mashruuca ayaa waxay dayactireen suuqyo muhiim ah, nidaamka ururinta khashinka adkaha oo la aas aasay, waxaa sare loo qaaday shuruucda iyo xirfadaha waaxda dhismaha, waxaa la sameeyey shaybaarro lagu baaro tayada biyaha iyo tayada qalabka dhismaha, waxaa sare loo qaaday helitaanka biyo nadiif ah, waxaa la aas aasay Xarunta Farsamadda Tababarada iyo sidoo kale waxaa la abuuray fursado qiimo badan oo shaqo abuuris iyo hab-nololeedka kooxaha bulshada ee ku shaqeeya habab qiimo jaban oo wax soo saar.
“Mashruuca SECIL wuxuu guul wayn u yahay caasimadda Soomaaliya, Sidaa waxaa yidhi Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Michele Cervone d’Urso. Wuxuu is bedel muuqda ku sameeyey nolosha dadka degan Muqdisho maalin kasta isagoo bixiyay biyo nadiif ah, deegaan nadiif ah iyo shaqooyin badan.  Taasina  waa waxay Soomalidu rabaan.
Mashruuca, “Joogtaynta Shaqo-abuurka iyo Sare u qaadista Hab-nololeedka dadka jilicsan ee Magaalada Muqdisho (SECIL)” wuxuu si dhow ula shaqeeyey Maamulka Gobolka Banaadir (BRA) si loo hubiyo joogtaynta hawlaha mashruuca. Midowga Yurub iyo UN-Habitat iyo Maamulka Gobalka ayaa waxay sharaxeen habka gaarka ah ee mashruuca SECIL waxayna sidoo kale amaaneed muuqaalka horumarkiisa. Sidoo kale waxay ku nuux nuuxsaden taageerada buuxda ee ay u hayaan Dawladda Hoose sidii ay ula wareegi lahayd una joogtayna lahayd hawlaha mashruuca ee mustaqbalka.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories