HomeWararEFASOM oo Tababar ku Saabsan Maamulka iyo Maareynta Shaqaalaha Waxbarashada ku...

EFASOM oo Tababar ku Saabsan Maamulka iyo Maareynta Shaqaalaha Waxbarashada ku qabtey Kismaayo

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

EDUCATION FOR ALL SOMALIA Ururka Wadaniga ee EFASOM oo Tababar ku Saabsan Maamulka iyo Maareynta Shaqaalaha Waxbarashada ku qabtey Magaaladda Kismaayo Tababar soconayey laba maalmood oo ku saabsanaa Maamulka iyo Maareynta Shaqaalaha Goobaha Waxbarashada ayaa lagu soo gaba-gabeeyey Magaaladda Kismaayo, Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya muddada kala ah 11-12 Maarso 2015. Ujeedada tababarkaasi wuxuu ahaa […]

- Advertisement -

EDUCATION FOR ALL SOMALIA

Ururka Wadaniga ee EFASOM oo Tababar ku Saabsan Maamulka iyo Maareynta Shaqaalaha Waxbarashada ku qabtey Magaaladda Kismaayo

Tababar soconayey laba maalmood oo ku saabsanaa Maamulka iyo Maareynta Shaqaalaha Goobaha Waxbarashada ayaa lagu soo gaba-gabeeyey Magaaladda Kismaayo, Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya muddada kala ah 11-12 Maarso 2015. Ujeedada tababarkaasi wuxuu ahaa sidii sare loogu qaadi heerka aqoonta iyo xirfadda Bahda waxbarashada ku howlan.

- Advertisement -

Tababarkaasi waxaa ka qeyb galey 25 ruux oo ka kala socotey guddiga deegaanka waxbarashada, guddoonka waxbarashada ee Gobolka, maamulayaasha iyo macalimiinta  wax ka dhigta dugsiga hoose, dhexe, iyo sare, qaar ka mid ah jaamacaddaha, iyo bulshada rayidka.

Maalinta 1aad waxaa la daraaseeyey xiriirka ka dhexeeya waxbarashada iyo horumarka; waxyaabaha saldhig u ah qorsheynta hanaanka waxbarashada, iyo qaabka shaqaaleeynta macalimiinta ama Shaqaalaha kale. Halka maalinta 2aad la daraaseeyey sida loo dhiso loona hago gudiyadda dugsiga sida Gudiga Waxbarashada Deegaanka ama Gudiga Waalidka iyo Macalimiinta; sida loo maamulo xarumaha waxbarashada iyo macalimiintooda; iyo di-u-eegista muqararka.

Waxaa halkaasi ka hadley wasiir ku-xigeenka Arimaha Bulshada ee Dowlad-Goboleedka Jubbaland, Mudane Axmed Cabduqadir Cali. Wasiir-ku-Xigeenka wuxuu tilmaamey muhiimada ay leedahay tababarka noocaan oo kale ah iyo sidii sare loogu qaadi lahaa wacyiga dadka dhanka tayadda waxbarashada. “Waa muhiim in la xoojiyo xiriirka  ka dhexeeya waalidka iyo macalinka si loo gaaro hadafka sare-u-qaadista iyo iskaashiga wadashaqeyn ee ka dhaxeeysa labadooda” ayuu raaciyey hadalkiisa.

- Advertisement -

Mowduucyada laga hadley waxaa ka mid ahaa waxyaabaha saldhigga u ah hanaanka waxbarashada sida in la helo kaabayaasha waxbarashada oo dhameystiran si loo xaqiijiyo shanta tiir ee waxbarashada ku taagan tahay sida macalin, arday, manhaj, qalab, iyo goobta waxbarashada oo amni ah.

Tababarkani waxaa ka soo qeyb-galey oo dhiiri-geliyey wasaaradda waxbarashada ee maamulka Jubbaland ee Kismaayo. Waxaana hirgeliyey ururka wadaniga ah ee U-Dooda Waxbarasho Loo Dhan Yahay (Education For All Somalia – EFASOM) oo u taagan sidii loo xaqiijin lahaa in dadka soomaalida helaan waxbarasho tayo leh oo loo dhan.06 07 11 16 17 21 24 25

 

Latest stories