HomeWararNin ay doonayaan FBI-da Mareekanka oo ku xeran Soomaaliya

Nin ay doonayaan FBI-da Mareekanka oo ku xeran Soomaaliya

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Muwaadin Soomaali American ah oo wade Taxi, ka ahaa duleedka Magaalada Washiton ee dalka Mareykanka, oo bishii January Hey’adda FBI Mareykanka ay ku dartay Liiska waxa ay ugu yeeraan Argagaxisada, oo mudo labo sano ka hor kaso tagay dalkaasi, ayaa la sheegay in uu hada ku xiranyahay Mid kamid ah xabsiyo ku yaala Soomaaliya. FBI […]

- Advertisement -

Muwaadin Soomaali American ah oo wade Taxi, ka ahaa duleedka Magaalada Washiton ee dalka Mareykanka, oo bishii January Hey’adda FBI Mareykanka ay ku dartay Liiska waxa ay ugu yeeraan Argagaxisada, oo mudo labo sano ka hor kaso tagay dalkaasi, ayaa la sheegay in uu hada ku xiranyahay Mid kamid ah xabsiyo ku yaala Soomaaliya.

FBI ayaa Magaca Muwaadinkaasi ku sheegtay Liban Haji Mohamed oo 29 jir ah, waxaana ay ku eedeyeen in uu taageray xarakada Al Shabab ee Soomaaliya.

- Advertisement -

Illawareedyo Mareykan ah ayaa shegaya in Mohamed maalmo ka hor lagu xiray Soomaaliya, inkastoo aysan cadeyn in dib loogu celin doono wadanka Mareykanka.

Wargeyska Washiton Post, ee dalka Mareykanka ayaa warkaan markii ugu horeysay daabacay , ee ah in Mohamed lagu xiray Soomaaliya.

Mohamed ayaa waxaa uu ku noolaa waqooyiga Virgina meel udhow daafaha Washiton isagoona wade ka ahaa Takaasida halkaasi ka shaqeysa, waxaana dalka Mareykana uu kasoo tagay sanadkii 2012.

Latest stories