HomeCiyaarahaShir sandeedka Xiriirka Somaaliyeed ee k/kolleyga oo muqdisho lagu qabtay + Sawiro

Shir sandeedka Xiriirka Somaaliyeed ee k/kolleyga oo muqdisho lagu qabtay + Sawiro

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda kolayga ayaa maanta  Hotelka Glopal ee magaalada Muqdisho ku qabtay Shirwaynihii sanadlaha  ee xiriirka ,waxaana ka kasoo qayb galay  Masuulyiin ka socotay Wasaaradda Dhalinyarada iyo isboortiga ,Madax ka soctay Gos , kooxaha iyo ururada XSKK , Madaxda iyo Xubanaha xirirka kubada kolayga  iyo Marti sharaf  lagu casuumay. Ugu horayn waxaa  Shirwaynaha […]

- Advertisement -

Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda kolayga ayaa maanta  Hotelka Glopal ee magaalada Muqdisho ku qabtay Shirwaynihii sanadlaha  ee xiriirka ,waxaana ka kasoo qayb galay  Masuulyiin ka socotay Wasaaradda Dhalinyarada iyo isboortiga ,Madax ka soctay Gos , kooxaha iyo ururada XSKK , Madaxda iyo Xubanaha xirirka kubada kolayga  iyo Marti sharaf  lagu casuumay.

Ugu horayn waxaa  Shirwaynaha ka halday  kaaliyaha Xogahayaha XSKK Cabdi Cabdulle Baasaale oo ka warbixiyay Waxqabdaka xiriirka ee  dalka iyo dibada howlihii xirirka u qabsoomay, tartamadii kubada kolayga horyaalka iyo Jenaraal Daa’uud, seminarki loo qabtay garsoorka ciyaaraha heerka degmo ee Wiilal iyogabadho. tartanki xidigaha iyo xiyaarihii Zone 5 ee xulak qaranka ka qayb galay.

- Advertisement -

Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda Kolayga  Cabdullaahi Nuur Maxamed Cadaani  oo qudba dhee  ka jeediyay Shirwaynaha ayaa  a warbixiyay in xiriirka intii guddoomiyaha ka ahaa,  howlo bdan ka qabtya dalka gudahiisa iyo dibadiisa uuna  ku guulaystay in 24 sano kadib xili habeen ah la ciyaaro  tartan kubada kolayga ah ,

Gudoomiye Cadaani  oo  sidoo kale ka warbixyay qorshaha Xiriirka ee 2015, oo ay ugu horayn doonaan dhamaystirka Koobka Genaraal Daa’uud  oo iminka Socda Ciyaaraha 3 x3 oo qaban doono, tababar loo fidin doono garsoorayaasha oo heer Zone ah sandkan ka dhici doona  Magaalada Muqdisho, ciyaarod alak dibadiisa ka dhici doono oo  Wiilal iyo Gabdho ah xiriirkana  ka qayb gali doono.

Agaasimaha guud ee Wasaardda Dhalinyarada iyo isboortiga  Cabdullahi Aabow Xuseen  oo Shirwanyaha ka hadlay ayaa sheegay in ay wasaaradda ku qanacsan tahay horumarka uu xiriirka kubada kolagya ku talaabsaday  maadaama uu noqday xiriirka ugu horeeyay 24 sano kadib xli habeen ah ciyaarv  qabto, waxuuna intaa kudaray in wasaradau ay garab istaagi doonto XSKK.

- Advertisement -

Madaxa Xiriirada Gos oo ka hadlay shirwanaha ayaa dhankiisa sheegay Gos ay soo dhawanayso dadaalka kudayashada mudan ee xiriirka kubadda kolayga sameeyay, waxuuna kula dardaarmay in ay halkosoakasii wadaan.

Kooxaha iyo ururada xiriirka kubadda kolayga ee shirwaynah ku sugnaa ayaa u gudo galay ansaxinta Darstuurka Xiriirka Kubadda kolayga oo ay cod  aqlabiyad leh ku ansaxayiyeen, Kooxaha  ayaa dhanka kale  dalbaday in Xoghayaha  XSKK Saciid Faarax Ducaale uu hor yimaado  kooxaha kadib marki ay kooxuhu  sheegeen in aysan ku qancin xisaab celintii xoghayaha ee tantanki Zone 5 ee ka  dhacay dalka Uganda, waxayna  Cod aqlabiyad leh  kooxuhu isku raaceen in muddo 60 maalmood ah uu  xogahayaha dalka ku yimaado sharaxaadna uu ka bixiyo.

dhanka  kale waxaa Shirwaynaha  lagu  ansaxiyay  xubin iyo guddoomiye Sharafeed, waxaana xubin sharafeed loo ansaxiyay  Marwada Madaxwanaha  Dalka Sahro  Cumar Xasan  , iyadoo guddoomiye sharafeedna loo ansaxiyay in uu noqdo  Guddoomiyihii hore ee xiriirka kubadda kolayga Ibraahin Xuseen Cali Roombe.

Guddoomiye Cadaani aya ugu dambayn  shirwaynaha  soo xeray ,waxuuan u mahad celiyay dhamaan kooxaha iyo ururada shirwanaha ka soo qayb galay iyo codka  aqlabiyada leh oo ay ku ansaxiyeen Dastuurka Xiriirka  iyo doorka wacan ay ka qaateen horumarka xiriirka .

 W/D: Xuseen Maxamed Hadaafow

Email: hadaafoow7@gmail.com

 IMG_3574IMG_3616IMG_3619IMG_3620IMG_3622IMG_3636IMG_3644IMG_3653IMG_3656IMG_3664IMG_3672IMG_3699IMG_3700IMG_3703IMG_3707IMG_3710IMG_3723IMG_3730IMG_3733IMG_3737IMG_3738IMG_3745IMG_3765IMG_3773IMG_3777IMG_3784IMG_3802IMG_3833IMG_3835IMG_3842IMG_3851IMG_3862IMG_3885IMG_3898IMG_3908IMG_3909IMG_3913IMG_3922IMG_3609IMG_3684IMG_3756IMG_3867

Latest stories