HomeWararDowladda Kenya oo Lacag Hal Milyan Ku Ganaaxday Shaqaale Ka Tirsan Amisom

Dowladda Kenya oo Lacag Hal Milyan Ku Ganaaxday Shaqaale Ka Tirsan Amisom

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Maxkamadda Dalka Kenya ayaa Maanta ku Ganaaxday gabar shaqaale ka ah Howlgalka Amisom Ee Dalka Soomaaliya lacag dhan Hal Milyan oo ah Lacagta Shillinka Kenya kadib markii lagu arkay iyadda oo xiran waxyaabaha la isku qurxiyo ee ka sameysan Faanta Maroodiga oo sharci darro ka ah Dalka Kenya. Lydie Kayetsi ayaa lagu xeray Garoonka Diyaaradaha […]

- Advertisement -

Maxkamadda Dalka Kenya ayaa Maanta ku Ganaaxday gabar shaqaale ka ah Howlgalka Amisom Ee Dalka Soomaaliya lacag dhan Hal Milyan oo ah Lacagta Shillinka Kenya kadib markii lagu arkay iyadda oo xiran waxyaabaha la isku qurxiyo ee ka sameysan Faanta Maroodiga oo sharci darro ka ah Dalka Kenya.

Lydie Kayetsi ayaa lagu xeray Garoonka Diyaaradaha Jomo Kenyatta International Airport iyadda oo xiran waxyaabahasi la isku qurxiyo ee laga sameeyay Faanta Maroodiga xili ay ku soo jeeday Magaaladda Muqdisho oo ay kula shaqeyso Amisom.

- Advertisement -

Madxafka Qaranka Kenya ayaa tijaabiyay oo baaray haddii laga sameyay Fanta Maroodiga Kenya iyadda oo la tuhunsanaa qaar kamid ah Saraakiisha adeega Duur joogta Dalka Kenya.

Lydie Kayetsi waxa ay sheegtay ineysan ogeyn in Kenya ay dambi ka tahay in la xirto oo lagu labisto Waxyaabaha laga sameeyo Faanta Maroodiga. Qareenka iyadda u doodaya ayaa u sheegay Maxkamadda in Kayetsi ay ka iibsatay Waxyaabahan la isku qurxiyo wadooyinka Dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Kongo islamarkaana aysan ogeyn in laga sameeyay Faanta Maroodiga.

Sheeyada laga sameeyo Faanta Maroodiga waa ka mamnuuc Dalka Kenya iyo Dalal kale oo ku yaala Afrika.

Latest stories