HomeWararRa'iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid oo Cambaareeyay Weerarkii Shalay Ka Dhacay Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid oo Cambaareeyay Weerarkii Shalay Ka Dhacay Muqdisho

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Mogadishu Feb. 21, 15….Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke, ayaa saaka dalka dib ugu soo laabtay, isagoona ka hadlay weerarkii Argagixiso ee shalay kooxaha Nabad diidku ay ku qaadeen hotelka Central, wuxuna tacsi u diray ehelkii, Qaraabadii iyo Qoysaskii ay ka baxeen dadkii shalay ku dhintay weererka, isagoo alle uga baryay […]

- Advertisement -

Mogadishu Feb. 21, 15….Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke, ayaa saaka dalka dib ugu soo laabtay, isagoona ka hadlay weerarkii Argagixiso ee shalay kooxaha Nabad diidku ay ku qaadeen hotelka Central, wuxuna tacsi u diray ehelkii, Qaraabadii iyo Qoysaskii ay ka baxeen dadkii shalay ku dhintay weererka, isagoo alle uga baryay kuwii ku dhaawacmay inuu caafimaad deg-deg ah siiyo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa yiri “Weerarkaan waxaa toos lagu bartilmaameedsaday dad muslimiin ah oo xilgaas u taagnaa gudashada waajibaadka Salaadda Jimce, fikirka ay xambaarsan yihiin nabad diidku waa mid lagula dagaalamayo diinteena suuban. Waxaana ilaahay uga baryeynaa inuu Jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo intii ku dhimatay, inta ku dhaawacantayna ilaahay siiyo caafimaad taam ah. Waxayna shalay noo ahayd maalin murugo oo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay xusuusan doonaan dadkii qaaliga ahaa ee naftooda ku weeyay weerarkaas”

- Advertisement -

“Falkan wuxuu na tusayaa in kooxaha nabad diidku ay cadaawad u qabaan dadka Soomaaliyeed, kuna beegsanayaan masaajidada iyo goobaha lagu cibaadaysto. Waxayna ka soo horjeedaan Soomaaliya oo nabad ah, midaysan, horumarna ku talaabsatay, mana aqbalayno dhaqamadaan ay ku dheehan tahay cadowtinimadu”

“Xukuumadda iyo shcabka Soomaaliyeed oo midaysan waxay diyaar u yihiin iney ka qayb qaataan sidii dalka loo xasilin lahaa, loogana hortagi lahaa kooxaha caadaystay weerarada waxashnimada ah”. ayuu yiri R/Wasaare Sharmaarke oo dhanka kale weydiistay beesha caalamka inay gacan ka geysato ciribtirka kooxaha argagixisada.

Ugu danbayntii, Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in xalay kulan deg deg ah ay isugu yimaadeen Madaxweynaha J.F.S Mudane Xasan Sheikh Maxamud , golaha Wasiirada iyo laamaha amniga, kaas logu sameeyey laba gudi oo midna baaritaan ku sameeya sidii wax u dhaceen, midna uu gacan ka gaysanayo sidii gar-gaar caafimaad loogu fidin lahaa dadkii ku dhaawacmay qaraxyadaas, wuxuuna ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iney gacan ku siiyaan ciidamada howlaha lagu sugayo amniga.

- Advertisement -

–DHAMMAAD—

Latest stories