HomeWararMadaxweynaha oo cambaareeyey weerarkii argagixiso ee Muqdisho ka dhacay

Madaxweynaha oo cambaareeyey weerarkii argagixiso ee Muqdisho ka dhacay

Date:

Related stories

President Hassan Sheikh Travels to Djibouti for President Guelleh’s Inauguration

Somali President Hassan Sheikh Mohamud arrived in Djibouti on...

Somalia Faces 40% Drop in Imports and Rising Inflation, Cabinet Responds

Somalia’s federal cabinet today approved new security regulations and...

Soomaaliya iyo Burkina Faso oo iska kaashanaya amniga

Fartaag oo Burkina Faso kula wadatay argagixisada Ouagadougou, – Wasiirka Amniga...

Somalia’s Office of Attorney General Presses Charges on Saadiya Bajaj

The Office of the Attorney General of Somalia announced...

Deni oo tababar hubka culus u furay dagaalka Argagixisada

Puntland: Madaxweyne Deni oo tababar hubka culus iyo hoggaaminta u furay duufacdii 6-aad ee PMPF. “Waxaan kalsooni qabaa in ay difaaci doonaan dadka.” Akhri maqaalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cambaareeyey weerarkii argagixiso ee waxashnimada ahaa ee maanta lagu qaadey mid ka mid ah hoteelada magaalada Muqdisho oo ay ku sugnaayen mas’uuliyiin iyo shacab intaba.

“Aad baan uga xumahay in kooxaha nabadda ka soo horjeeda ay mar kale dad Muslimiin ah oo waajibka salaadda Jimcaha gudanaya ay ku weerareen masjid hoteelka Central ku dhex yaalla. Ilaahay ha u naxariisto inta ku dhimatey, kuwa ku dhaawacmeyna waxaan Ilaah uga baryayaa inuu degdeg caafimaad buuxa u siiyo.”

Madaxweynaha ayaa sheegay in weerarkani aanu dib u dhac ku keeni Karin hawlaha dowladda iyo dadaalka nabada lagu sugayo, isla markaana la sii wadi doono dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada iyo kuwa kale ee ka soo horjeeda xasilooni ay Soomaaliya hesho.

“Waan sii wadeynaa dagaalka ka dhanka ah argagixisada. Waxaana hubaa in weerarkan uu mar kale u caddeynayo shacabka Soomaaliyeed in kooxaha magaca diinta sida khaldan ugu gambanaya aysan wax xushmad ah u ahayn diinteena saliimka ee Islaamka ee nabadda ina fareysa, iyagoo dilaya dad Muslimiin ah oo ana waxba galabsan. Ciidammadeena amniga oo kaashanaya ciidammada nabad ilaalinta Midowga Afrika (AMISOM), iyo shacabka marnaba joojin maayaan dagaalka kooxahaasi ka dhanka ah, ilamaa Soomaaliya ay nabad buuxda ka hesho’’, ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ugu baaqey shacabka inay sii wadaan gacansiinta iyo la shaqeynta laamaha amniga

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories